Sign in to follow this  
Deeq A.

ABIY AHMED oo qaaday tallaabo xasaasi ah oo la xiriirta xiisadda gobolka Tigray

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa Arbacadii shaacisay inay magacaabi doonto hoggaamiye cusub oo madax u noqon doona maamulka ku-meel gaarka ah ee gobolka Tigray, halkaas oo xiisado bilooyin socday oo u dhexeeya kooxo iska soo horjeeda ay halis gelinayaan heshiiskii nabadda ee jilicsanaa.

Gobolka ayaa weli la daalaa dhacaya saamayntii dagaalkii culusaa ee socday laba sano, kaas oo ku dhammaaday heshiis nabadeed oo sanadkii 2022 lagu gaaray magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika, heshiiskaas oo lagu dhisay maamulka ku-meel gaarka ah ee hadda jira.

Dagaalka ayaa ka mid ahaa kuwii ugu dhimashada badnaa tobankii sano ee la soo dhaafay, isaga oo galaaftay nolosha ku dhawaad 600,000 qof. Waxaa isku dagaallamay kooxda mucaaradka Tigray iyo ciidamada federaalka Itoobiya oo ay taageerayeen maleeshiyooyin deegaanka ah iyo ciidamada dalka Eritrea.

“Dowladda federaalka, iyadoo tixgalinaysa xaaladaha dhabta ah ee dhulka ka jira, waxay qaaday tallaabo ay muddo hal sano ah ugu kordhinayso waajibaadka maamulka ku-meel gaarka ah,” ayuu ku qoray Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed bartiisa X. Waxa uu intaa raaciyay in maamulka hadda jira uusan ku guulaysan inuu dhamaystiro howlihiisa muhiimka ah muddadii loo qorsheeyay.

Abiy oo fariintiisa ku qoray afka Tigrinya ayaa sheegay inay lagama maarmaan noqotay in madax cusub loo magacaabo maamulka ku-meel gaarka ah ee Tigray, kaas oo beddeli doona Getachew Reda, balse ma sheegin wakhtiga rasmiga ah ee lagu beddelayo.

Getachew kama jawaabin codsi faallo oo ay u dirtay wakaaladda wararka AFP.

Khilaafka Getachew iyo Debretsion

Xiisadda hadda ka taagan Tigray ayaa ka dhalatay khilaaf gudaha ah oo la xiriira awood qaybsiga, kaas oo u dhexeeya Getachew iyo Debretsion Gebremichael, oo ah hoggaamiyaha Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray (TPLF).

“Haddii si wanaagsan loo maareeyo xilliga kala-guurka, waxay noqon kartaa fursad looga baxo xiisadda hadda jirta,” ayuu AFP u sheegay Wondimu Asamnew, oo aad ugu dhow Debretsion.

“Labadii sano ee maamulka uu hayay Getachew Reda waxaa lagu tilmaami karaa mid xiisado iyo iska hor imaadyo badan lahaa; hadda waxaan u baahanahay dowlad xasiloon,” ayuu sii raaciyay.

Inkasta oo xabbaddu istaagtay, haddana fulin la’aanta qayb ka mid ah heshiiskii Pretoria ayaa sii hurisay khilaafka ka dhex jira hoggaanka siyaasadeed ee gobolka Tigray.

Taageerayaasha hubaysan ee Debretsion ayaa bishan la wareegay maamulka degmada Adigrat, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn gobolka Tigray, kuna dhow xadka Eritrea, waxayna meesha ka saareen duqii magaalada ee uu magacaabay Getachew.

Kooxda Debretsion ayaa sidoo kale la wareegtay xarunta maamulka magaalada Mekele, iyagoo dib ugu soo celiyay duqii magaalada ee ay iyagu doorteen iyo idaacadda deegaanka.

Awoodda Getachew oo sii yaraaneysay

Kjetil Tronvoll, oo ah khabiir arrimaha Geeska Afrika ahna borofisar ka tirsan Jaamacadda Cusub ee Oslo, ayaa sheegay inuusan la yaabin isbeddellada hadda socda.

Kooxda Getachew ayaa si tartiib-tartiib ah u waayay gacan-ku-hayntii maamulka, wuxuuna sheegay in awoodda Getachew ay sii yaraanaysay.

“Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa si dhow ula socday isbeddelka xaaladda loollanka siyaasadeed,” ayuu Tronvoll u sheegay AFP.

Wuxuu intaas ku daray inay ahayd waqti munaasib ah in dowladda federaalka ay xilka ka qaaddo Getachew maadaama uu dhammaaday waqtigii maamulka kumeel gaarka ah.

Midowga Afrika oo xaruntiisu tahay magaalada Addis Ababa ayaa walaac xooggan ka muujiyay xiisadaha cusub ee gobolka.

Sidoo kale, dalalka Maraykanka, Ingiriiska iyo Midowga Yurub ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay xiisadda qaboojiyaan, isla markaana si degdeg ah u bilaabaan wadahadallo xal lagu raadinayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this