Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa muhiim ka dhigay deegaanka Masaajid Cali-Gaduud ee shalay la qabsaday?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya dagaal shalay ku dhex maray ciidamada dowladda federaalka oo ay weheliyaan kuwa deegaanka, iyo kooxda Al-Shabaab, deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaasi sababay in kooxda Al-Shabaab ay gacanta ku dhigto xero ciidan.

Weerarka ayaa mid culus oo ku bilowday qaraxyo, kadibna uu xigay weerar toos ah oo Al-Shabaab ay ku qaadeen fariisimaha ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda.Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa la soo werinayaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Arbacadii Cadale kula hadlay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa yiri: “Maanta cid iga dambeyso oo aad sugeysaan ma jirto. Aniga oo ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaan idinla jooga.”

Muhiimadda Masaajid Cali Gaduud

Deegaanka Masaajid Cali Gaduud wuxuu hoos yimaadaa deegaanno badan marka juqraafi ahaan la eego, wuxuuna muhiimad gaar ah u leeyahay dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Labada dhinac ee is haya—ciidamada dowladda federaalka iyo Al-Shabaab—ayaa u muuqda kuwo ku loolamaya gacan ku haynta deegaankaas.

Hase yeeshee, la wareegista deegaankaasi ayaa adkaatay maadaama uu yahay magaalo u furan tuulooyin badan isla markaana aan lahayn difaac xooggan.

“Dowladda marka la eego, runtii dagaalka Masaajid Cali Gaduud muhiimad gaar ah uma siineyso in si joogto ah loo joogo. Waxaadse mooddaa inay tahay meel munaasab ah oo labada dhinac ay awooddooda ku soo bandhigayaan,” ayuu yiri Axmed Kaboole, oo ah khabiir ka faallooda arrimaha amniga.

“Dowladdu waxay dooneysaa inay firfircooni muujiso oo ay deegaannada la wareegtay gacanta ku hayso, balse aad bay u muuqataa in halkaas uusan ka jirin ciidan joogto ah oo difaaca deegaanka. Dhanka kale, Al-Shabaab waa koox guurguurta oo si sahal ah deegaanka ku soo gali karta, shacabka dhibaateyn karta, kadibna ka baxda. Arrintaas waxay saameyn ku yeelan kartaa wada-shaqeynta shacabka iyo dowladda,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Kaboole wuxuu sidoo kale sheegay in ujeedka ugu weyn ee Al-Shabaab ka leedahay deegaankaasi ay tahay inay niyad-jabiyaan shacabka, una muujiyaan inay weli awood ku leeyihiin deegaannadaas. Magaaladu ma laha difaacyo adag oo dowladda u suuragelin kara in ay si joogto ah u ilaaliso.

“Magaaladan waxa ay muddo dheer hoos tagtay Al-Shabaab, marka la eego. Haddii ay gacanta ku dhigaan, waxay u sahlaysaa inay weerarro ka abaabulaan dhanka Jowhar, Baladweyne iyo Galgaduud, iyadoo dhammaan gobolladaasi muhiim u yihiin isku xirka kooxdu,” ayuu yiri.

Duqeymaha cirka iyo dagaalka Al-Shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan dib u billowday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo hakad ku yimid muddooyinkii u dambeeyay.

Dagaalladii ugu cuslaa ee ugu dambeeyay ayaa ka dhacay deegaanno ka tirsan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, gaar ahaan Ceel-Baraf iyo Daaru-Nicma, halkaas oo Al-Shabaab laga saaray mar kale.

Duqeymaha cirka ayaa sidoo kale lala beegsaday kooxda.

“Duqeymaha waa bartilmaameedyo qorsheysan, waxaana fuliya dowladaha aan saaxiibka nahay ee beesha caalamka. Annaguna waxaan tilmaannaa halka ay joogaan. Duqeymuhu waxa ay ka dhaceen Shabeellaha Dhexe, Shabeellaha Hoose iyo Jubada Hoose, waana sii wadeynaa. Meel kasta oo ay joogaan waxay noo yihiin bartilmaameed,” ayuu yiri wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi.

Wuxuu sidoo kale sheegay in duqeymahaas lagu dilay horjoogayaal badan oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa xusay in dalalka ka caawiya Soomaaliya duqeymaha cirka ay ka mid yihiin Mareykanka, Turkiga, Itoobiya iyo Imaaraatka Carabta.

Duqeymaha cirka waxay ka mid yihiin istaraatiijiyad dagaal oo Mareykanku ka fuliyo gudaha Soomaaliya, si loo yareeyo khatarta weerarrada tooska ah iyo in lagu wiiqo awoodda kooxaha hubeysan. Mareykanka ayaa duqeymahaas u kala saara kuwa qorsheysan iyo kuwa isdifaac ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this