Sign in to follow this  
Deeq A.

Kheyre oo war ka soo saaray qabsashada Al-Shabaab ee Masaajid Cali Gaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in ay si weyn u damqisay in argagaxisadu ay dib u qabsadeen deegaanka Masaajid Cali Gaduud, oo ay Ciidamada Qalabka Sida iyo kuwa deegaanku ka xoreeyeen laba sano ka hor.

Kheyre ayaa sheegay inuu uga digayo bulshada Soomaaliyeed in deegaan ay argagaxisadu la wareegeen loo fasiro fashil ku yimid qof, koox, ama beel gaar ah, taas oo uu sheegay inay bulshada kala qeybineyso, midnimada ummadda kala dhantaaleyso, isla markaana hiillo iyo dhiirrigelin u tahay argagaxisada arxanka daran.

Hoos ka aqriso qoraalka Kheyre oo dhameystiran:

Waxaa i damqisay in argagaxisadu ay maanta dib u qabsadeen deegaanka Masaajid Cali Gaduud, oo ay Ciidamada Qalabka Sida iyo halyeeyada deegaanku ka xoreeyeen laba sano ka hor, ayna nooga shahiideen halyeeyo qaran oo naftooda qaaliga ah u huray xoreynta dadkooda iyo dalkooda.

Argagaxisadu waa caqabadda ugu weyn ee maanta hortaagan horumarka Soomaaliya, waxayna duullaan ku yihiin guud ahaan dadka iyo deegaannada Soomaaliyeed. Soomaalidu waa ul iyo diirkeed, waana fashil u soo hoyday qof kasta oo Soomaali ah mar kasta oo ay argagaxisadu naga qabsadaan taako ka mid ah dhulkeenna hooyo.

Haddaba, waxaan bulshada Soomaaliyeed uga digayaa in deegaan ay argagaxisadu la wareegeen loo fasiro fashil ku yimid qof, koox, ama beel gaar ah. Fasirkaasi wuxuu bulshada kala qeybinayaa, midnimada ummaddana wuu kala dhantaalayaa, wuxuuna u yahay hiillo iyo dhiirrigelin argagaxisada arxanka daran.

Guulihii horay looga gaaray la dagaallanka argagaxisada iyo deegaannadii laga xoreeyay waxaa lagu xaqiijiyay wadajirka dadka Soomaaliyeed, shacab iyo dowladba, taas oo tusaale nool u ah awoodda wadajirka iyo in midnimadu tahay jidka kaliya ee looga guuleysan karo argagaxisada.

Waxaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqayaa inuu qaato kaalinta hoggaamineed ee samatabixinta dadka iyo dalka, meel iska dhigo waxyaabihii sababay in lagu kala irdhoobo siyaasadda, bulshada Soomaaliyeedna u fidiyo gogol qaran oo looga tashanayo samatabixinta dalka, si wadajir looga shaqeeyo xoreynta dalka iyo ciribtirka khawaarijta.

Waxaan ku jirnaa tobanka dambe ee bisha barakeysan ee Ramadaan. Waxaan guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ku boorrinayaa in loo duceeyo dalka iyo dadka Soomaaliyeed, si aan kala har lahaynna u garab istaagno Ciidamada Qalabka Sida iyo dadaallada dalka looga xoreynayo khawaarijta.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this