Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Xundubey oo shaaciyey qorshaha ABGAAL ee dagaalka Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa faahfaahin ka bixiyey qorshaha beesha Abgaal ee dagaalka Khawaarijta, isagoo ugu horeyn faahfaahin ka bixiyey dagaalkii ka dhacay Masaajid Cali Gaduud, wuxuuna sheegay in lagu guuleystay in deegaanka dib looga qabsado kooxda Al-Shabaab.

“Sheekh Shariif iyo Cali Guudlaawe oo deegaanka madax ka ah ayaa noogu weyn, waan la wadaagnay culeyska jira waana diyaar, Sheekh Shariif hada wuxuu ku maqan yahay cumrada, markii uu yimaado waa safka hore dagaalka ayuu wax ka gelayaa,” ayuu yiri Xasan Xundubey.

Xundubey oo wareysi siiyey Dalsan TV ayaa  sharaxaad ka bixiyey qorshaha socda, wuxuu sheegay inuu xubin ka yahay guddi beesha ah oo baaritaan ku sameeyey sababta u fududeysay kooxda Al-Shabaab inay soo galaan Shabeellaha Dhexe, baaritaan kadib wuxuu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh ay kula kulmeen Cadale, iyagoo u gudbiyey warbixin dhameystiran.

“Intii aan joognay Cadale, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Cali Guudlaawe, si guud iyo siyaabo gaar gaar ahba waan ula kulanay, waxaan u gudbinay go’aan lagu abaabulayo howlgalka oo beeshu ka mideysan tahay, in kastoo ay jiraan dad muhiim ah uu cumrada jira, hadana wax kasta waa noo diyaar, waana ku laabaneynaa deeganaada kooban ee cadowgu soo galay,” ayuu yiri Xundubey.

Wuxuu sheegay in dadka reer Sh/Dhexe ay diyaar u yihiin in dhulkooda ay xoreystaan oo difaacdaan, “dadka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa waxaan u diyaarsanahay in sidii aan horay uga xoreysanay deegaanka aan hadana u xajisano guusha, marka yaan afka lagu taageerin Khawaarijta,” ayuu yiri.

Xundubey ayaa sheegay deegaanada ay Shabaab soo galeen inay yihiin kuwo kooban oo isku aadan, “qaladaadii dhacay ee sababay inay Shabaab soo galaan deegaanka ayaan saxeynaa, kadibna waxaan iska saareynaa cadowga, ragga dhan waa diyaar, xitaa aniga, furinta ayaan tegeynaa,” ayuu yiri Xundubey.

Wuxuu sheegay in aysan jirin cid hadda lagu eedeyn karo in dagaalka aysan diyaar u aheyn, laakiin waa la isku canaana karaa gaabiska jira, “anigu waxaan qabaa hadii dulduleelkaan aan saxno Al-Shabaab malaha awood ay dadkaan ku hor istaagaan,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku sii daray in gobollada Shabeellooyinka ay muhiim u yihiin amniga Muqdisho iyo difaaca qaranimada Soomaaliya, “Taasi waxay sababtay in madaxweynuhu baxo oo Shabeellaha Dhexe dego, si loo difaaco qaranimada, meeshii culeys ka yimaado in  madaxweynuhu u gurmado wax ceeb ah maaha,” ayuu yiri.

Wasiirkii hore ee amniga ayaa sheegay in Shabaab aysan laheyn awood ay ku hor istaagaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka “Howlgalka hadda bilaabanaya waa kii lagu soo afjari lahaa kooxdaan, malaha wax awood ah, dadka afka ku jebinaya ha joojiyeen, hadii kale waxaad gaari doontaan maalin aad ka shalaayi doontaan,” ayuu hadalkiiisa ku sii daray.

Hoos ka daawo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this