Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Duqeyntii u danbaysay ee Mareykanka oo kooxda Daacish gaarsiisay khasaare aan hore loo qiyaasin

Recommended Posts

Deeq A.   
20250327_101039.jpg?resize=1000%2C666&ss

Faahfaahin ka soo baxaysa duqeyntii habeen ka hor Mareykanku ka fuliyay buuraha Calmiskaad ayaa muujinaysa in khasaare aan hore loo qiyaasin argagixisada ISIS kala kulantay duqeyntaasi.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo adeegsaday bombooyinka culus ee burburiya difaacyada adag ayaa beegsaday saddexdii talis ee ugu muhiimsanaa, oo ay argagixisada Daacish ku lahayd inta u dhexaysa togaga Miiraale iyo Baalade, kuwaasi oo horay loo sahamiyay.

Ilo wareedyo amni oo ka tirsan Puntland ayaa sheegaya in talisyada la burburiyay uu ku jiro god weyn oo dhaca inta u dhexaysa Miiraale iyo togga Baalade, kaasi oo ay si gaar ah ugu dhuuman jireen hoggaamiyaal sare oo ka tirsan argagixisada, islamarkaana ay aaminsanaayeen in aysan duqeymaha waxba ka tari karin, balse gebi ahaanba dhulka lala simay.

Duqeymaha Mareykanka ayaa sidoo kale burburiyay talis labaad oo ay argagixisada ISIS ku keydsan jireen noocyada kala duwan ee saadka, halkaasi oo ahayd ceel biyood muhiima oo dhaca nawaaxiga togga Miiraale oo ay hadda ku go’doonsan yihiin dagaallamayaasha argagixisada.

Taliska saddexaad oo ahaa Miiraale waxa duqeyntu burburisay wixii hub iyo saanad ciidan uga harsanaa kooxda, oo ay ku jiraan hoobiyaal, waxaana meeshaasi ku lumay rajadii yareyd ee mileeshiyaadka IS ka qabeen in ay sii joogaan Miiraale iyo Baalade sare.

PUNTLAND POST

The post Puntland: Duqeyntii u danbaysay ee Mareykanka oo kooxda Daacish gaarsiisay khasaare aan hore loo qiyaasin appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this