Sign in to follow this  
Deeq A.

PUNTLAND oo tallaabo ka qaaday wariye qaatay kaarka aqoonsiga ee DF Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (Caasimada Online) –  Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah dowladda federaalka, taas oo la xiriirta khilaafka ka dhashay kaarka aqoonsiga ee ay bixiso hay’adda NIRA ee dowladda dhexe.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii xalay ciidamada ammaanka Puntland ay magaalada Gaalkacyo ku xireen Wariye madax-bannaan oo lagu magacaabo Dalmar Socdaal oo kaarka aqoonsiga muwaadinimo ka qaatay Gaalkacyo, dhanka Galmudug.

Puntland oo si weyn u diidan xafiiska NIRA ee koonfurta Gaalkacyo ayaa xabsiga dhigtay Wariyaha oo illaa iyo hadda ku xiran xabsi ku yaalla waqooyiga magaaladaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daray ain Wariyaha la jir dilay ka hor inta aan la xirin, taas oo dhalisay caro xooggan oo ay muujiyeen ururada saxaafadda iyo bulshada deegaanka.

Dhowaan Puntland ayaa si cad uga hortimid kaarka aqoonsiga qaranka oo dowladda federaalka ka bilowday Gaalkacyo, gaar ahaan qaybta ay maamusho Galmudug, waxaana arrintaas su’aal ka keenay guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheekh Cali (Jifojabsade).

Guddoomiyaha ayaa ku hanjabay in tallaabo adag ay ka qaadayaan qof weliba oo reer Puntland ah oo qaata kaarka aqoonsiga muwaadinnimo ee hay’adda NIRA oo hoostagta dowladda federaalka Soomaaliya, wuxuuna xariga Wariyaha la xiriira go’aankaasi.

Faysal Sheekh (Jifojabsade) ayaa intaasi kusii daray in qofkii qaata kaarkaas uu lumin doono xuquuqda aas-aasiga ah ee Puntland, balse ma caddeyn tallaabada ay qaadayaan ama waxa ay tahay xuquuqda uu waaynayo qofka qaata kaarka hay’adda NIRA.

Sababta ugu weyn ee ay Puntland ku diiday arrintan wuxuu ku sheegay in jiritaanka hay’adda NIRA aysan aqoonsaneyn, isla markaana ay tahay hay’ad aan ku dhisneyn nidaamka dastuurka ee heshiiska lagu yahay, sida uu hadalka u dhigay.

“Qofkii qaata Kaarka Aqoonsiga Muwaadinka ee Soomaaliya ee NIRA wuxuu lumin doonnaa xuquuqda aas-aasiga ah ee Puntland, Dadbaa inta tagaan ayay leeyihiin aqoonsi Ayaan ka qaadaneynaa, horta dastuur ahaan ayaa jiritaankeeda la isku hayaa” ayuu horay u yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Mudug ee Puntland.

Horay Puntland ayaa marar badan uga hortimid tallaabooyin ay qaaday dowladda federaalka, sida qaadista imtixaanaadka mideysan, wax ka beddelka dastuurka, dhismaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo go’aanno kale oo xasaasi ah.

Dhammaan go’aannadan ayaa daba socda is faham-waaga Xasan Sheekh iyo Saciid Deni oo horay ugu kala tegay arrimaha siyaasadda oo ay isku fahmi waayeen, waxaana haatan xiisadda uga sii daray qorshaha ay waddo Villa Soomaaliya ee la xiriira doorashooyinka oo dhaliyay khilaaf horleh oo xooggan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this