Sign in to follow this  
Deeq A.

Qofkii labaad ee kasoo jeeda K/Galbeed oo toddobaad gudihiis lagu dilay Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil maanta ka dhacay magaalada Garoowe, kaas oo loo geystay wiil da’diisa lagu sheegay 18 jir.

Wiilkan dhallinyarada ah ayaa kasoo jeeda degaannada Koonfur Galbeed, wuxuuna ka shaqayn jiray dhaqidda baabuurta gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Mustafe Manuur oo baabuur nooca Leyla-Calaawi ah ku dhaqayay bannaanka hore ee Hotel Taleex, ayaa la toogtay kadib markii askari ka tirsan ilaalada hotelka uu rasaas ku furay.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in marxuumka la amray inuu joojiyo dhaqidda baabuurka, balse isla markiiba lagu dhuftay tacshiirad, taas oo sababtay geeridiisa.

“Askari hubaysan oo ilaalada hotelka ka mid ah ayaa qori ku qabtay marxuumka, wuxuuna ku amray inuu joojiyo dhaqidda baabuurka,” ayuu yiri qof ka mid ah dadkii ku sugnaa agagaarka hotelka xilliga dilku dhacay.

Waxa uu intaas ku sii daray: “Si lama filaan ah ayuu rasaas ugu furay, waxaana meydkiisa laga qaaday goobta, isagoo rasaas badan jirkiisa ka muuqatay.”

Mustafe Manuur waa qofkii labaad ee toddobaad gudihiis lagu dilo magaalada Garoowe, isagoo kasoo jeeda Koonfur Galbeed.

Waxaa ka horreeyay Cabdimaalik Xuseen, oo isna lagu dilay goob tima-jare ah, iyadoo aan weli la soo qaban eedeysanaha loo haysto falkaas, taas oo si weyn uga naxdisay dadka ku dhaqan Garoowe.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this