Deeq A. Posted March 26 Istanbul (Caasimada Online) – Banaan-baxayaasha Turkey ayaa sii wada in aysan u jixin-jixin xarigga lagu beegsanayo, xilli 1,500 oo qof la xiray ayada oo toddobaad ay galeen mudaaharaadyadii ugu waaweynaa ee ka dhaca Turkiga tan iyo 2013 ee ka dhan ah maamulka Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan. Bannaan-baxyadu waxay qarxeen 19-kii Maarso kaddib markii la xirhay duqa magaalada Istanbul, Ekrem Imamoglu, oo ka tirsan mucaaradka, taasoo qayb ka ahayd baaritaan musuq-maasuq iyo “argagixisanimo” lagu eedeeyay, arrintaas oo taageerayaashiisu ku tilmaameen “afgambi”. Kumanaan qof ayaa maalin kasta isugu soo baxay waddooyinka, iyagoo jebinaya xayiraadaha bannaan-baxyada ee ka jira Istanbul iyo magaalooyin waaweyn oo kale, iyadoo la xiray 1,418 qof ilaa Talaadadii, sida ay sheegtay dowladda. Dadkii la xiray waxaa ka mid ah wariyaha AFP Yasin Akgul, oo wakaaladda fadhigeedu yahay Paris ay sheegtay inuu shaqadiisa ka qabanayay goobta bannaan-baxyada. Madaxweyne Erdogan, oo si isdaba joog ah ugu tilmaamay mudaaharaadyada “argagixisanimada waddooyinka”, ayaa kordhiyay weerarrada uu ku hayo xisbiga mucaaradka ah ee Jamhuuriga Dadka (CHP), oo uu ka tirsan yahay Imamoglu, iyo hoggaamiyahooda Ozgur Ozel. Ozel oo la hadlayay dadweyne badan ayaa sheegay in xisbigiisu aanu ku baaqi doonin bannaanbax habeenimo oo cusub oo Arbacadii ka dhici lahaa xarunta duqa magaalada Istanbul, balse halkii laga tagi lahaa wuxuu ugu baaqay shacabka inay ka qaybqaataan isu-soo-bax weyn oo Sabtida ka dhici doona magaalada. Si kastaba ha ahaatee, lama hubo haddii ardayda carooyinka wata – oo door muuqda ka qaadanayay bannaan-baxyada oo aan dhammaantood taageere u ahayn CHP – ay ka baaqsan doonaan inay waddooyinka buuxiyaan. Intii uu socday todobaadkii la soo dhaafay, habeen kasta bannaan-baxyadu waxay isu beddelayeen iska hor-imaadyo laamaha booliiska rabshadaha, kuwaasoo sida ay sheegayaan hay’adaha xuquuqul insaanku ay cabsi gelin ku noqdeen. Hase yeeshee, ma jirin iska horimaadyo noocaas ah Talaadadii, sida ay sheegeen wariyeyaasha AFP. ‘Qol kama banaan xabsiyada Istanbul’ Xarigga Yasin Akgul, oo Talaadadii maxkamad la hor geeyay kadib markii isaga iyo lix wariye kale lagu qabtay howlgallo waaberigii Isniinta, waxaa si adag u cambaareeyay hay’adaha xuquuqda aadanaha iyo wakaaladda AFP, oo sheegtay in xariggiisa, isagoo 35 jir ah, uu yahay mid “aan la aqbali karin”, islamarkaana ay dalbanayaan in si degdeg ah loo sii daayo. “Waxaan si aad ah uga walaacsannahay wararka sheegaya cadaadiska ka dhanka ah bannaan-baxayaasha iyo suxufiyiinta Turkiga,” ayuu yiri diblomaasi ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Faransiiska, isagoo codsaday inaan magaciisa la shaacin, wuxuuna xusay in Akgul “si xirfadaysan u tabinayay bannaan-baxyada”. Hoggaamiyaha CHP Ozgur Ozel, oo la hadlayay kumanaankii qof ee habeenkii toddobaad ee isku xigay isugu yimid hoolka magaalada Istanbul, ayaa sheegay in cadaadiska dowladda uu kaliya sii xoojinayo dhaqdhaqaaqa shacabka. “Waxaa jira hal arrin oo Mr Tayyip u baahan yahay inuu ogaado: tiradeennu kuma yaraanayso xariga iyo caburinta!” ayuu ku adkeystay. Wuxuu sheegay in xadiga xariggu uu gaaray heer “xabsiyada Istanbul aysan wax meel ah ka sii harin.” Imamoglu isna wuxuu fariin ad-adag ku baahiyay baraha bulshada, isagoo si toos ah u bartilmaameedsanaya Erdogan, wuxuuna ku hanjabay in “sanduuqa codbixinta lagaga adkaan doono”, isagoo ku eedeeyay hoggaamiyaha Turkiga “inuu ku dhuumanayo xafiiskiisa Ankara si uu u ilaashado kursiga, halkii uu dalka maamuli lahaa.” “Waan midoobi doonnaa… waan guulaysan doonnaa,” ayuu ku daray. Erdogan ayaa isna weerar toos ah ku qaaday Ozel, isagoo khudbad u jeediyay xisbigiisa, wuxuuna ugu yeeray hoggaamiyaha CHP “siyaasi si buuxda u guul-darreystay oo ay nafsaddiisa haysato rajo iyo cabsi is biirsaday.” Wuxuu intaa ku daray in CHP ay sababtay “qoraallo badan oo xitaa musalsallada Brazil-ka ka badan” marka loo eego kiisaska musuqmaasuqa ee ka jira degmooyinka Istanbul. ‘Annagu argagixiso ma nihin’ Inkasta oo cadaadiska dawladeed uusan yareynin tirada bannaan-baxayaasha, haddana sida uu sheegay wariye AFP ah, ardaydii tiro badan ee isugu soo baxday magaalada Talaadadii ayaa wejiyadooda qarinayay. “Waxaan rabnaa dowladda inay is-casilaan, waxaan rabnaa xuquuqdeena dimoqraadiyadeed, waxaan maanta u dagaallamaynaa Turkiga xor ah,” ayuu yiri arday 20 jir ah oo magaciisa ku sheegay Mali, mar uu la hadlayay AFP. “Annagu argagixiso ma nihin, waxaan nahay arday, sababta aan halkan u joognaana waa inaan u ololeyno xuquuqdeena dimoqraadiyadeed iyo ilaalinta dimoqraadiyadda,” ayuu yiri. Sida inta badan dadka kale ee bannaanbaxaya, wajigiisa wuu qariyay wuxuuna ka gaabsaday in magaciisa oo dhameystiran la shaaciyo sababo la xiriira cabsi uu ka qabo aargoosi. Arday kale oo 25 jir ah oo magaceeda ku sheegtay Lydia, iyadoo wejiga qarsatay, ayaa ugu baaqday shacabka intiisa kale inay bannaan-baxyada ku soo biiraan. Si ka duwan maalmaha hore, CHP ayaa sheegtay inaanu jiri doonin isu-soo-bax Arbacada ka dhacaya hoolka magaalada, balse Ozel ayaa ugu baaqay dadka inay isugu yimaadaan Sabtida xaafadda Maltepe ee Istanbul si ay u dalbadaan in doorasho degdeg ah la qabto. Share this post Link to post Share on other sites