Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan oo dib ugu soo laabtay Muqdisho kadib weerarkii Masaajid Cali Gaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, kadib weerarkii maanta ay Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Masaajid Cali Gaduud.

Weerarkan ayaa ka dhacay deegaan aan ka fogeyn Cadale, halkaas oo uu ku sugnaa madaxweynaha, taasoo keentay inuu soo gaabiyo safarkiisii gobolka Shabeellaha Dhexe, sida ay sheegayaan ilo xog ogaal ah.

Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta qabsatay Masaajid Cali Gaduud, oo qiyaastii 40 km dhanka koonfureed kaga beegan degmada Cadale, halkaas oo saacadihii dambe uu ku sugnaa madaxweynaha.

Qabsashada kooxda ayaa timid kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay degmada isaga baxeen, kaddib weerar aroornimadii saaka ka bilowday qaraxyo, sida wararku sheegayaan.

Xaaladda amni ee Shabeellaha Dhexe ayaa laga deyrinayaa, maadaama gobolkan uu xuduud la leeyahay caasimadda Muqdisho. Al-Shabaab ayaa sii wada weerarrada ay ku beegsanayaan goobaha ay dowladda maamusho ee ku dhow caasimadda.

Kooxda oo muddo nafis ah helaysay, ayaa hadda muujinaysa in ay weli xooggan tahay, iyagoo si joogto ah u adeegsanaya qaraxyada iyo weerarrada tooska ah ee ay ku beegsanayaan goobaha ciidanka.

Si kastaba ha ahaatee, go’aanka madaxweynaha ee ku aaddan soo gaabinta safarkiisa Cadale wuxuu muujinayaa heerka sare ee khatarta amni ee ka taagan gobolka, taasoo u baahan in si degdeg ah looga jawaabo.

Madaxweynaha ayaa shalay magaalada Raaga Ceelle, oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe, kula kulmay boqolaal ka mid ah halyeeyada xaq u dirirka ah ee Macawiisleyda, kuwaas oo dagaal adag kula jira kooxda Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa geesiyaasha deegaanka ku dhiirrigeliyay go’aanka ay ka qaateen in ay argagixisada Al-Shabaab uga dulqaadaan shacabka ay dhibaataynayaan.

Madaxweynaha ayaa intaas kaddib gaaray degmada Cadale, halkaas oo uu maanta kasoo tegay, isagoo soo gaabiyay qorshihiisii uu halkaas uga waday hoggaaminta abaabulka iyo howlgalka ka dhanka ah argagixisada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this