Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Xasan Sheekh oo safar deg deg ah ugu baxaya Turkiga iyo qorshaha cusub ee socda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta ka soo laabtay furimaha dagaalka ayaa berri safar deg deg ah ugu baxaya dalka Turkiga, halkaas oo heshiisyo cusub uu ku soo saxiixayo.

Sida aan horay u baahinay Soomaaliya waxaa la keenay diyaarado dagaal oo Turkiga laga keenay, kuwaas oo maalmahaan lagu howlanaa dib u howlgelintooda.

Xasan Sheekh ayaa hadda Turkiga u aadaya inuu soo saxiixo heshiis ku saabsan diyaaradahaas oo ka howlgeli doona dalka oo dhan, gaar ahaan goobaha ay joogaan kooxaha argagixisada ah.

Madaxweynaha dalka Turkiga iyo madaxda sare ee shirkadda sameysa diyaaradaha Turkiga ee Bayraktar, heshiisyada la gelayo ayaa ku saabsan howlgelinta diyaaradaha cusub ee Soomaaliya la keenay oo labo nooc oo casri ah, kuwaas oo ugu yaraan seddax xabo ah.

Inkastoo aan lasii faahfaahin nooca heshiisyada la kala saxiixanayo, hadana waxay Soomaaliya si joogto ah ugu baahnaa doontaa in laga caawiyo gantaalaha ay diyaaraduhu ku ridayaan argagixisada iyo tababarka askarta Soomaaliyeed ee howlgelineysa.

Xasan Sheekh ayaa hadda qorsheynaya inuu xoogga saaro duqeymaha, isagoo maaanta kasoo laabtay furimaha dagaalka, kadib markii saakay Al-Shabaab ay dagaal kula wareegeen deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo ku xiga degmadii uu xalay Xasan Sheekh ku hoyday ee Cadale.

Xasan Sheekh oo shalay ka baxay Muqdisho ayaa sii maray degmada Raagaceelle oo ciidan xoog leh oo dadka deegaanka ah uu ku diyaarsanaa, wuxuuna kula balamay inay is difaacaan oo dhulkooda aysan ka cararin, wuxuuna u gudbay Cadale oo saldhig uu ka dhigtay.

Culeys badan ayaa ka jira dagaalka dhulka ah, waxaana gacanta Al-Shabaab galay dhul badan, lama garanayo meesha ay wax ka qaldan yihiin, balse waxaa muuqata in habac badan uu ka jiro dhanka hoggaaminta dagaalka ee dowladda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this