Sign in to follow this  
Deeq A.

Imaaraadka oo gaarsiiyey Masar arrin xasaasi ah oo uu Mareykanka ugu hanjabay

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ugu hanjabtay Dowladda Masar in laga jarayo taageerada dhaqaale ee Mareykanka haddii ay diiddo inay qaabbisho boqollaal kun oo Falastiiniyiin ah oo kasoo barakacay marinka Gaza, sida lagu sheegay farriin uu Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Maxamed Bin Zayed Al Nahyan, u gudbiyay Qaahira, sida uu weriyay ilo-wareed la hadlay Al-Araby Al-Jadeed.

Ilo-diblomaasiyadeed Masri ah ayaa u sheegay Al-Araby Al-Jadeed in booqashadii kooban ee uu Madaxweyne Bin Zayed ku tegay Qaahira dhammaadkii toddobaadkii hore ay qeyb ka ahayd wadahadallo uu la yeeshay mas’uuliyiin Maraykan ah oo ku saabsanaa xaaladda Gaza, halkaas oo Israa’iil dib u billowday weerarradeeda milatari toddobaadkii hore.

Trump ayaa soo jeediyay in Falastiiniyiinta Gaza, oo ku sugan goob dagaal, si khasab ah loogu raro dalalka deriska la ah sida Masar iyo Urdun—qorshe ay labaduba si adag u diideen, islamarkaana si weyn loo dhaleeceeyay, looguna eedeeyay inuu yahay isku day lagu sifeynayo qowmiyadda dhulka Falastiiniyiinta.

Qaahira ayaa soo jeedisay qorshe kale oo beddel ah, kaasoo dhigaya in dib-u-dhiska Gaza loo qabto si marxalado ah, laguna daro dib-u-habeyn lagu sameeyo maamulka halkaas ka jira, balse Maraykanka iyo Israa’iil ayaa si cad u diiday.

Waddamo kale oo ay ka mid yihiin Suuriya, Suudaan iyo Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu taliyay in ay qaabbilaan barakacayaasha, hase yeeshee dhammaantood way ka hor yimaadeen arrintaas.

Kulanka u dhexeeyay Bin Zayed iyo Madaxweyne Abdel Fattah al-Sisi ee ka dhacay Qaahira ayaa la rumeysan yahay inuu qeyb ka yahay dadaalka Mareykanka ee ku aaddan in Masar lagu cadaadiyo inay oggolaato in Falastiiniyiinta loo raro dhulka Sinai, oo xuduud la leh Gaza iyo Israa’iil.

Sida uu sheegay ilo-wareed Masri ah oo la hadlay Al-Araby Al-Jadeed, farriinta loo gudbiyay Madaxweyne Sisi ayaa tilmaamaysay in tani ay tahay fursaddii ugu dambeysay oo lagu gaari karo dan-wadaag, iyadoo Masar loo ballanqaaday taageero dhaqaale oo ballaaran iyo in balaayiin doollar lagu shubo dhaqaalaha burburka kusii socda ee dalka, haddii ay oggolaato in qeyb ka mid ah shacabka Gaza loo raro gudaha Masar.

Haddii Masar ay diiddo dalabkaas oo ay sii adkaysato mowqifka diidmada ee ku saabsan qorshaha muranka leh ee Trump, Mareykanka ayaa la sheegayaa inuu qorsheynayo in uu taageeradiisa dhaqaale u wareejiyo dalal kale, sida uu sheegay ilo-wareedku.

Qorshaha Mareykanka ayaa lagu sheegay inuu damacsan yahay in u dhaxeeya 500,000 ilaa 700,000 oo Falastiiniyiin ah loo raro woqooyiga Sinai. Arrintan waxaa sidoo kale laga soo xigtay warbaahinta Israa’iil ee i24NEWS.

Ilo-wareedka ayaa intaas ku daray in Mareykanka iyo Israa’iil ay hadda diiradda saarayaan Masar, balse marka xigta ay u jeedsan doonaan Urdun, oo ay doonayaan in ay ku dajiyaan Falastiiniyiinta ku sugan Daanta Galbeed—arrin ay dowladda Urdun si adag uga hortimid.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israa’iil ayaa horey u dhistay waax gaar ah oo u xilsaaran fududeynta “ka bixitaanka ikhtiyaariga ah” ee Falastiiniyiinta. Sidoo kale, mas’uuliyiin xag-jir ah oo Israa’iiliyiin ah ayaa ku baaqaya in si buuxda loo la wareego Gaza iyo Daanta Galbeed, lagana dhiso deegaannadii Israa’iil ee hore looga saaray.

Masar oo si cad u beenisay wararka

Dowladda Masar ayaa Isniintii mar kale si adag u beenisay wararka sheegaya in ay oggolaatay qorshaha lagu rarayo Falastiiniyiinta Gaza, iyadoo lagu beddelanayo taageero dhaqaale.

Qaahira ayaa horay u beenisay eedeymahaas Jimcihii la soo dhaafay.

“Masar waxay mar kale xaqiijineysaa mowqifkeeda cad ee ah in si buuxda loo diido qorshe kasta oo lagu doonayo in walaalaheenna Falastiiniyiinta si khasab ah ama si mutadawacnimo ah looga raro marinka Gaza, gaar ahaan in loo raro gudaha Masar,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Hay’adda Warfaafinta Dowladda (SIS).

Bayaan ayaa intaas ku daray in tallaabo noocaas ah ay sababi karto dhamaadka qadiyadda Falastiiniyiinta, isla markaana ay khatar weyn ku tahay amniga qaranka Masar.

“Masar waxay qaaday culays dhaqaale iyo mid maaliyadeed oo aad u weyn sababo la xiriira mowqifkeeda ku aaddan Gaza… Laakiin marna taas kama aysan dhigin in ay oggolaato wax tanaasul ah—xitaa midka ugu yar—ee ku saabsan amniga qaran ama xuquuqda sharciga ah ee shacabka Falastiiniyiinta,” ayay tiri SIS.

Masar oo soo jeedisay qorshe cusub  

Masar ayaa soo bandhigtay qorshe cusub oo lagu soo celinayo xabbad-joojintii Gaza, sida ay ilo-amaanka u sheegeen Reuters Isniintii. Tani ayaa imaaneysa xilli mas’uuliyiinta caafimaadka Falastiiniyiinta ay sheegeen in ugu yaraan 65 qof lagu dilay duqeymo Israa’iil ka geysatay Gaza 24-kii saac ee ugu dambeysay.

Qorshahaan cusub, oo lasoo jeediyay toddobaadkii hore, ayaa ka danbeeyay markii Israa’iil dib u billowday weerarradeeda cirka iyo dhulka 18-kii Maarso, taasoo soo afjartay xabbad-joojin socotay laba bilood, kaddib 15 bilood oo dagaal ah oo sababay dhimashada in ka badan 60,000 oo qof, kuwaasoo badankood ahaa rayid.

Qorshaha Masar wuxuu dhigaya in Xamaas toddobaad kasta sii deyso shan maxbuus oo Israa’iili ah, halka Israa’iil ay bilaabeyso wajiga labaad ee xabbad-joojinta usbuuca xiga, sida ay sheegeen labo ilo-amaanka.

Xamaas ayaa weli haysta 59 maxbuus, iyadoo la rumeysan yahay in 24 ka mid ah ay weli nool yihiin. Intii kalena waxaa lagu sii daayay is-weydaarsiyo kala duwan oo hore loo gaaray.

Ilo-wareedyadu waxay sheegeen in Mareykanka iyo Xamaas labaduba ay oggolaadeen qorshahan, laakiin Israa’iil wali kama aysan bixin wax jawaab ah.

Mas’uul ka tirsan Xamaas oo la hadlay Reuters ayaa sheegay in “soo jeedinno kala duwan” ay socdaan, islamarkaana la isku dayayo in la yareeyo farqiga, si loo helo is-afgarad horseedi kara wajiga labaad ee heshiiska.

Qorshaha Masar waxa uu sidoo kale ka kooban yahay jadwal qeexaya in ciidamada Israa’iil si buuxda uga baxaan Gaza, iyadoo Mareykanka uu bixinayo dammaanad qaad, taasoo lagu beddelanayo in la sii daayo dhammaan maxaabiista harsan.

Wasiirka Arrimaha Istiraatiijiga ee Israa’iil, Ron Dermer, ayaa la filayaa inuu toddobaadkan Washington kula kulmo mas’uuliyiin Maraykan ah, si ay uga wadahadlaan doorka Israa’iil ee la xiriira maamulkeeda milatari ee marinka Gaza, sida uu sheegay The Times of Israel, oo soo xigtay ilo Israa’iili ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this