Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Xasan Sheekh oo balan culus la galay ciidamo uu kula kulmay furimaha dagaalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Raagaceelle (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta dib ugu laabtay furimaha dagaalka ayaa sheegay in wasiirrada iyo saraakiisha ciidamada ay maalmaha soo socda iska xaadiri doonaan furimaha dagaalka, isla markaana isaga oo ugu sareeya dalka uu hoggaami doono dagaalka.

“Qof dambe oo la sugayo maanta ma jirto, anigoo madaxweynaha Jamhuuriyadda ah waa ikanaa, waan idiin imid, wasiirradii iyo saraakiishii ciidamada ayaa dagaalka soo gelaya, cid maqan ma jirto,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh ayaa maanta boqolaal macawiisley ah kula kulmay degmada Raageceelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay isku dhaarsadeen isaga iyo geesiyaasha macawiisleyda.

“Guushiina guul Soomaaliyeed waaye, Soomaali kasta idinka ayuu idin sugayaa, balan ayaan wada galnay, dagaalka Al-Shabaab go’aan ayaa nooga yaalla inaan fulino diyaar ma u nahay? Guuleysta waan idiin soo noqon doonaa,” ayuu yiri Xasan Sheekh oo Tuute iyo Bistoolad xiran, gacmahana kor u taagaya.

Madaxweynaha oo diyaarad militeri Muqdisho ka qaatay ayaa Raagaceelle uga sii gudbay degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo saldhigga hoggaaminta dagaalka u noqon doonta.

Madaxweynaha ayaa dadka reer Raageceelle ku bogaadiyey sida ay deegaankooda uga difaacdeen Khawaarijta, wuxuuna balan kula galay inay xoreeyaan deegaano hadda ku jira gacanta cadowga.

“Waligiis deegaankiina Shabaab ma imaan, jaceyl idinkuma deynin ee tabar ayaa u diiday, sida aad isku dhaarsateen oo hubkiina u wada qaadateen ayaa la idinkaga baqay, sharaf ayaad ku nooshihiine guuleysta oo sharaftiina difaacda,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Xasan Sheekh oo soo hadal qaaday howlgalka ciribtirka Khawaarijta Daacish ee ka socda Puntland ayaa sheegay in guusha ay gaarayaan ciidamada Puntland ay tahay guul ay Soomaaliyeed, “Anagaa iska leh waa guusheena xoreynta Calmiskaad,” ayuu yiri.

Hoos ka daawo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this