Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Sheekh iyo El-Sisi oo caawa xiriiray, kana wada-hadlay arrin xasaasi ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Cadale (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa caawa waxaa qadka taleefanka kula soo xiriiray Madaxweynaha dalka Masar Cabdulfataax El-Sisi, oo la wadaagay dhambaal tacsi ah.

Tacsida El-Siisi ayaa ku saabsan qaraxii lagu weeraray kolonyada Madaxweynaha toddobaadkii lasoo dhaafay, xilli uu u socday furimaha dagaalka, masuuliyadda qaraxaas waxaa sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Madaxweyne El-Sisi ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay badqabka Madaxweynaha Soomaaliya, isagoo ku celceliyay mowqifka Jamhuuriyadda Carabta ee Masar ee ku aaddan garab istaagga Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in si aan mugdi ku jirin uu u cambaareynayo dhammaan noocyada rabshadaha iyo argagixisada, sida ay baahisay Villa Somalila oo xogta wadahadkaan ku qortay luuqadda Carabiga.

Sidoo kale, Madaxweynaha Masar ayaa tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay qaraxaasi, isagoo u rajeeyay caafimaad deg deg ah inta ku dhaawacantay.

Dhankiisa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku qiimeeyay dadaalkan walaaltinimo ee deeqsinimada leh, isagoo dhiggiisa Masar uga mahadceliyey garab istaagiisa.

Masar ayaa kamid ah dalalka la qorsheeyey inay ciidamo u soo diraan Soomaaliya, so dagaalka Khawaarijta ay uga garab siiyaan dowladda, una bedelaan ciidamada ATMIS oo howlgalkoodu dhamaaday.

Farriintaan waxay Madaxweyne Xasan Sheekh soo gaareysaa isagoo caawa ku hoyanaya furimaha dagaalka, horay waxaa sidaan oo kale loogu soo diray farriimo lamid ah tan Sisi, dowlado badan ayaa garab istaag u muujiyey Madaxweynaha markii la weeraray kadib.

IMG_6468.jpeg?resize=696%2C696&ssl=1

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this