Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Diyaaradaha Soomaaliya ee AKINCI oo berri howlgelaya iyo cabsi soo wajahday Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaaradda AKINCI oo dhawaan laga soo dejiyey magaalada Muqdisho, kadib markii ay Soomaaliya ka heshay Turkiga ayaa la sheegay in Arbacada berri ay howlgeli doonto, taas oo ka dhigan in duqeymaha Al-Shabaab ay bilaabeyso.

Diyaaradaan oo labo xabo ah ayaa ah nooc casri ah, Injineerrada gacanta ku haya ayaa qabsaday in muddo toddobaad ah ay ku rakibayaan qalabkeeda markii la keenay, sida ay Caasimada Online u sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada cirka Soomaaliya.

Berri oo Arbaco ah ayey AKINCI bilaabeysaa duullimaadyadeeda Soomaaliya, gaar ahaan dhulka ay Al-Shabaab joogaan, si ay u beegsato cadowga oo duqeymo u fuliso.

Sida ay noo sheegeen saraakiisha noo warantay, waxaa la qorsheeyey in labada diyaaradood ee AKINCI deg deg loogu diro gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo Al-Shabaab ay soo buux-dhaafiyeen.

Aagga degmada Afgooye ayey soo dhoobteen Al-Shabaab, waxayna Hoobiye ku garaacaan ciidamo badan oo dowladdu geysay degmadaas, si ay uga difaacaan kooxda oo soo qabsatay degmada Awdheegle iyo deegaanada Bariire, Sabiib iyo Caanoole.

Diyaaradaan oo dadka Soomaaliyeed ay si weyn u hadal hayaan ayaa durba loo bixiyey magacyo yaab leh, sida ‘Queen Manoogto, Ciiltira, Afur-qaado’ iyo magacyo kale oo qosol leh.

Kooxda Al-Shabaab oo soo qaaday dagaalo culus ayaa walwal ku abuurtay shacabka, taasi oo sababtay in la xiiseeyo diyaaradahaan sida daran u laaya kooxda oo horay aysan Soomaaliya u heysan.

Sidoo kale waxaa jira noocyo kale oo diyaaradaha dagaalka ah oo weliba casri ah oo Soomaaliya ay ka heshay Turkiga.

Saraakiisha xogtaan na siisay waxay Caasimada Online u xaqiijiyeen in dowladda Soomaaliya ay leedahay milkiyadda diyaaradahaan, inkastoo aysan sheegin in lacagta lagu iibiyey ay Soomaaliya bixisay iyo in dowlad kale ka bixisay toona.

Kooxda Al-Shabaab ayaa durba ka qeylisay duqeymaha ay fulinayaan ciidamada cirka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibo u badan Mareykanka, kadib markii la duqeeyo xaruntooda ugu weyn ee Jilib iyo goobo kale oo xasaasi ah.

Hogaamiyaasha kooxda ayaa isaga cararay meel kasta oo lagu beegsan karo waxaana maalmahaan yaraaday dhaqdhaqaaqii kooxda, maadaama dowladda Soomaaliya ay kordhisay duqeymaha oo la beegsaday dhowr goobood oo maleeshiyaad ay ku abaabulayeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this