Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo duqeyn culus xalay ka fuliyay Calmiskaad

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa duqeyn culus oo xalay diyaaradaha duuliye la’aanta ay ka fuliyeen aagga buuraha Calmiskaad, halkaas oo ay weli ku sugan yihiin xubno ka tirsan kooxda Daacish.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa weerarkan dhanka cirka ah fuliyay Mareykanka oo beegsaday fariisimo ay Daacish ku lahaayeen agagaarka togga Miiraale.

Wararka ayaa sheegaya in duqeyntan lagu taageeray ciidamada Puntland, xilli uu socday dagaal culus oo ay la galeen kooxda Daacish, kaas oo dhaliyay khasaare xooggan.

Puntland oo faah-faahin ka bixisay weerarkan waxa ay sheegtay in lala beegsaday firxadka kooxda Daacish, welina ay waddo qiimeynta khasaaraha ka dhashay.

“Duqeyn caawa ka dhacday Miiraale-Calmiskaad, waxaa lala beegtay firxadka Argagixisada Daacish, duqeynta waxa fuliyey saaxiibada Dowladda Puntland ee Maraykanka” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay maamul goboleedka Puntland.

Waxaa kale oo jira howlgal kale oo ay ciidamada Puntland ka fuliyeen deegannada Buqa Sarre, Xoomiso iyo Guryasamo ee Calmiskaad, kaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsanaa kooxda Daacish, isla markaana u qaabilsanaa qaraxyada nooca miinooyinka.

Puntland ayaa shaaca ka qaaday in inta uu socday howlgalka la dilay illaa 4 ka tirsanaa Khawaarijta, iyada oo soo bandhigtay maydadkooda iyo qaraxyada ay diyaariyeen.

“Ciidanku wuxuu dilay 4 ka mid ah firxadka Argagixisada Daacish kuwooda miinooyinka iyo qaraxyada qaabilsan, Hawlgalka ayaa ka dhacay deegannada Buqa Sarre,Xoomiso iyo Guryasamo ee Calmiskaad” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay Puntland.

Dhanka kale, ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay Mareykanka oo ku aadan duqeyntaasi, waxaase inta badan uu faah-faahinta dib kasoo sheegaa marka uu fuliyo weerarka kadib, waana tan dahaareysa in xog dhammeystiran laga helo sida khasaaraha ka dhashay weerarkaas inta uu gaarsiisan yahay, cidda sida rasmiga ah loo beegsaday iyo haddii dad rayid ah wax gaareen.

Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha waa weyn ee ka qayb-qaadanaya dagaalka Puntland ee ka dhanka ah kooxda Daacish, si looga saaro dhulka buuraleyda ah ee Bari.

Waxaa sidoo kale dagaalkan ku jira Isu Tegga Imaaraadka Carabta, oo isna duqeymo ku taageeraya ciidamada Puntland ee sii koraya buuraha ay ku dhuumaaleysanayaan xubnaha Daacish.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa horay albaabada u furay cid walba oo gacan ka geysaneysa howlgallada ka dhanka ah Daacish ee maalmaha badan ka socda dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this