Sign in to follow this  
Deeq A.

YURUB oo aad u careysan kadib sirtii Mareykanka ee lagu ogaaday fadeexaddii Signal

Recommended Posts

Deeq A.   

Brussels (Caasimada Online) – Mararka qaar waxaa wanaagsan inaadan ogaan waxa ay saxiibadaada isku sheegaan marka aadan joogin. Tusaale ahaan: marka saaxiibkaaga ugu dhow uu kuugu yeero “NACAS,” kugu eedeeyo inaad tahay “ku dul noole” isla markaana uu yiraahdo waa in lagugu khasbaa inaad bixiso wax aadan waligaa ogeyn in la qorsheeyay.

Mas’uuliyiin iyo diblomaasiyiin ka tirsan Britain iyo Midowga Yurub ayaa si isku dhafan oo caro iyo niyadjab leh uga falceliyay xog sir ah oo shaaca laga qaaday, taas oo muujisay farriimo gaar ah oo ay is dhaafsadeen saraakiil sare oo ka tirsan maamulka Donald Trump, kuwaas oo ka hadlayay duqeymo la qorsheeyay oo lagu beegsanayo fallaagada Xuutiyiinta ee Yemen.

Sida uu qoray The Atlantic, oo tifaftirihiisa si khalad ah loogu daray group chat ay barta Signal ku leeyihiin xubnaha sare ee maamulka Trump, madaxweyne ku-xigeenka JD Vance ayaa sheegay inuu neceb yahay “in mar kale la samata-bixiyo Yurub” iyadoo la qaaday tallaabo militari oo lagu difaacayo maraakiibta ganacsiga, taas oo badankeed faa’iido u leh ganacsiga Yurub. Wasiirka difaaca Pete Hegseth ayaa ugu jawaabay: “Waan kula qabaa nacaybka Yurub oo kaliya cunid diyaar u ah. Waa NAXDIN.”

Jawaabta Britain

Diblomaasi British ah ayaa sheegay inuu si amakaag leh u daawanayay markii farriimahaasi la shaaciyay fiidnimadii Isniinta, isagoo dhacdada ku tilmaamay “mid aad u yaab badan.” Wuxuu intaas ku daray in arrintani ay xoojisay dareenka ah in Vance yahay ninka hormuudka u ah cadaawadda Maraykanka ee Yurub, taasoo – sida uu sheegay – ku qasbeysa Trump iyo saraakiisha kale inay qaataan mowqif adag si Trump uusan u muuqan mid ka jilicsan Vance.

Dhinaca kale, wasiirro iyo mas’uuliyiin British ah ayaa si dadban isugu dayay in ay yareeyaan waxyeellada ka dhalatay shaacinta xogtan, iyagoo adkeeyay in xiriirka xulafonimo ee Maraykanka uu weli xooggan yahay isla markaana hababka isgaarsiinta ay ammaan yihiin.

Si kastaba, Wasiirkii hore ee Difaaca Britain, Grant Shapps, ayaa sheegay in qaar ka mid ah saraakiisha maamulka Trump ay si muuqata ugu baahan yihiin in dib loo baro muhiimadda xulafada. Wuxuu sheegay inay ahayd mid khaldan in la yiraahdo ciidamada Yurub waxba kama qaban khatarta Xuutiyiinta ay taageerto Iran ee weeraraya maraakiibta ganacsiga.

Farriimaha la dusiyay ayaa xitaa ka koobnaa dood ku saabsan sidii Yurub loogu khasbi lahaa inay bixiso kharashaadka hawlgalka. Warbixino kale ayaa muujinaya in duqeymaha laga hadlayay ay taageero ka heleen diyaaradaha shidaal-siinta ee Britain.

“Waan oggolahay in Yurub ay wax badan ka qabato arrimaha amniga,” ayuu Shapps ku qoray baraha bulshada X. “Laakiin [Ra’iisul Wasaare] Sir Keir [Starmer] waa inuu xusuusiyaa Maraykanka in UK ay hormuud ka ahayd. Anigaa amray afar duqeyn oo RAF ay ku qaadeen Xuutiyiinta, Royal Navy-na waxay difaacday maraakiibta Badda Cas. Ciidamadeennu waxay halis ugu jireen badbaadinta ganacsiga. Qaar ka mid ah madaxda DC waa in la xusuusiyaa.”

Ed Davey, hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Liberal Democrats, ayaa yiri: “JD Vance iyo saaxiibadiis xitaa uma qalmaan inay maareeyaan group chat, iska daa hoggaaminta ciidanka milatari ee ugu awoodda badan dunida. Arrintani waxay welwel gelinaysaa hay’adaha amniga ee ku aaddan xogta aan la wadaagno.”

Yurub inteeda kale

Meelo kale oo Yurub ka tirsan, diblomaasiyiinta ayaa muujiyay murugo iyo rajo-beel. Hammigii ay ka qabeen in Vance iyo kooxdiisu si dadban ugu kacsan yihiin Yurub balse ay si gaar ah u muujinayaan garasho iyo xushmad, wuu ka baxay meesha.

“Waa niyad jab in la arko sida ay uga hadlayaan Yurub marka ay moodayaan in cidina maqlayn,” ayuu yiri diblomaasi Midowga Yurub ah oo codsaday inaan la magacaabin “Laakiin ma ahan wax la yaab leh… Hadda waxaan aragnay sida ay arrimaha u eegaan, iyadoo wax diblomaasiyad ah aan lagu darin.”

Sarkaal kale oo Midowga Yurub ah ayaa yiri: “Vance waa ninka hada haysta aragtidan xagjirka ah, laakiin wuu khaldami doonaa oo mar uun wuu fashilmi doonaa.” Wuxuu intaas ku daray in Maraykanka uu mar kale noqon doono xulafo la isku halayn karo.

Diblomaasi labaad oo Yurub ah ayaa raaciyay in taariikhdu muujisay in Maraykanku uu ugu dambayn ku soo noqon doono doorkiisii xulafo dhab ah. “Waqtigan, inkastoo la maqlo hadallo diblomaasiyadeed oo macaan, kalsoonidu way burburtay,” ayuu yiri. “Ma jiri karto xulafnimo la’aan kalsooni. Sidaas darteed, Yurub waa inay wax badan qabataa, maadaama aysan haysan ikhtiyaar kale.”

Marka laga hadlayo arrinta Maraykanku uu ku dalbanayo kharashaadka hawlgalka, sarkaal sare oo Midowga Yurub ah ayaa si kaftan leh u yiri: “Wali biilkii nalama soo gaarsiin.”

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this