Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta dabley hubeysan oo weerar culus ku qaaday saldhigga Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in saaka dabley hubeysan ay weerar culus ku qaadeen saldhigga bartamaha magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, kaas oo dhaliyay khasaare xoogan.

Maleeshiyaadka weerarka qaaday ayaa la sheegay inay ka caroodeen hub xalay laga qabtay, kadib howlgal ciidamada ay ka sameeyeen gudaha magaaladaasi.

Dadka deegaanka ayaa saaka kusoo waabariistay dhawaqa rasaas xooggan oo laba dhinac ah, taas oo laga maqay saldhiga bartamaha Boosaaso, halkaasi oo xalay la geeyay hub lasoo qabtay oo ay laamaha amniga ku tilmaameen mid sharci darro ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay weerarka, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay tiro ahaan.

Sida uu sheegay sarkaal u hadlay Booliska gobolka Bari, ciidamada ayaa iska difaacay weerarka lagu soo qaaday wuxuuna xaqiijiyay inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Xaaladda ayaa hadda deggan, waxaana la filayaa in laamaha amniga Puntland ay faah-faahin dheeraad ah ka bixiyaan shaqaaqada saaka ka dhacday halkaasi.

Boosaaso ayay mararka qaar waxaa ka dhaca iska hor imaadyo khasaare gaysta, waxaana sidoo kale xilliyada qaar weeraro ka fuliyo kooxaha argagixisada.

Weerarka saaka ayaa kusoo aadayo, xilli haatan magaaladaasi uu ka socdo abaabulka dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish oo galay wajiga saddexaad, kaas oo si gaar ah uga socda dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, gaar ahaan aagga Calmiskaad.

Waxaa sidoo kale magaalada ay fadhi u tahay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo dagaalka Daacish darda-gelinayo, si looga xoreeyo dhulka kala sarreeyo ee Puntland.

Si kastaba, dagaalka Daacish ayaa haatan maraya meel adag, waxaana oo xalay oo ugu dambeysay duqeymo iyo howlgallo culus ay ka dhaceen aagga fog ee dhulka buuraha Calmiskaad, kuwaas oo khasaare culus lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka kooxda Daacish.

Duqeynta oo uu fuliyay Mareykanka ayaa si gaar ah uga dhacday aagga Togga Miiraale, halka howlgal kale oo lagu dilay 4 xubnood oo Daacish u qabilsanaa qaraxyada uu isna ka dhacay deegannada Buqa Sarre, Xoomiso iyo Guryasamo ee aagga Calmiskaad.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this