Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda horumarinta maalgashiga Somaliland oo tirakoob madax taabasho ah ku samaynaysa shaqalaaha…

Recommended Posts

Deeq A.   

img_2_1742845086034.jpg

img_1_1742844605257.jpg

Wasaaradda horumarinta maalgashiga Somaliland ayaa tirakoob madax taabasho ah ku samaynaysa shaqalaaha wasaarada Awdal iyo Gabiley.

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta maalgashiga iyo warshadaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdifataax Ismaaciil Ducaale iyo qaar ka mid ah agaasime waaxeedyada wasaarada ayaa hawlo shaqo ugu baxay gobollada galbeedka Somaliland.

Agaasimaha guud iyo agaasime waaxeedyada ayaa ujeedada safarkoodu salka ku haysa sidii ay madax taabasho iyo qiimeyn ugu sameyn lahaayeen shaqaalaha wasaaradda ee gobollada Awdal iyo Gabiley.

Sidoo kale waxa intii ay joogeen ay mudnaan gaara siiyeen, sahaminta goobaha ku habboon Aagag Warshadeed.

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta maalgashiga iyo warshadaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdifataax Ismaaciil Ducaale, ayaa markii uu gaadhay magaalada Gabiley, ee xarunta gobolka Gabiley, waxa uu kulan la qaatay duqa degmada Gabiley, waxaana kulankan diirada lagu saaray Aaga Warshadaha ee gobolka Gabiley, iyada oo uu siweyn u soo dhaweeyay maayerka degmada Gabiley, waxaanu balanqaaday inay ka dowlad hoose ahaan wasaaradda kala shaqaynayaan wixii hawlo ah ee la xidhiidha Aaga Warshadaha.

Intaas kadib Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta maalgashiga iyo warshadaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdifataax Ismaaciil Ducaale, isaga oo safarkiisii siiwata waxa uu gaadhay magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal, waxa goobtaasi ku soo dhaweeyay guddoomiye ku xigeenka gobolka Awdal, ahna ku simaha guddoomiyaha, maayer ku xigeenka iyo xubno ka ah isu’duwayaasha laamaha dowlada ee gobolkaasi.

Agaasimaha guud ayaa masuuliyiintii ku soo dhaweeyay magaalada Borama, warbixin faahfaahsan ka siiyay ujeedada socdaalkooda, isla markaana uga mahadceliyay sida ay u soo dhaweeyeen, waxaanu sheegay in xukuumadda Wada-jir iyo Waxqabad ay ka go’an tahay horumarinta adeegbixinta warshadaha, qorshahooduna yahay in gobollada dalka ay ka hirgeliyaan Aagag Warshadeed, si loo gaadho Yoolasha-waara ee Qaranka JSL, hiigsanayo, loona fuliyo balanqaadyadii xukuumada ee dhanka horumarinta adeegyada bulshada.

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta maalgashiga iyo warshadaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdifataax Ismaaciil Ducaale ayaa sirasmiya xadhiga uga jaray xafiiska wasaaradda maalgashiga ee gobolka Awdal, oo dhawaan wasaaraddu hirgelisay.

Gaba-gabadii Guddoomiye ku xigeenka gobolka Awdal, ahna ku simaha guddoomiyaha, maayer ku xigeenka iyo qaarka mid ah laamaha dowladda ee gobolkaasi ayaa agaasimaha soo tusay goobta loogu tallagaley inay noqoto aaga warshadaha ee gobolka Awdal, isla markaana warbixin ka siiyay agaasimaha goobtan iyo sida ay mihiimka ugu tahay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this