Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Cirro ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐š๐ฒ๐› ๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐’๐ข๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐š๐๐๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง๐ค๐š

Recommended Posts

Deeq A.   

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐š๐ฒ๐› ๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐’๐ข๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐š๐๐๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง๐ค๐š
img_4_1742911213808.jpg

img_5_1742911229396.jpg

img_6_1742911238217.jpg

img_7_1742911245922.jpg

img_8_1742911263055.jpg

img_9_1742911283991.jpg

img_10_1742911290496.jpg

img_12_1742911315001.jpg

img_13_1742911321173.jpg
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta (25.03.2025) ka qayb galay Shirka Siyaasadda Caafimaadka Qaranka JSL oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, laguna qabtay Huteelka Ambassador magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu halkaasi ka jeediyay khudbad muhiim ah oo dhinacyo badan taabanaysa. Khudbada Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqday sida ay Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad uga goโ€™an tahay in si hagar laโ€™aan ah loo kordhiyo loona tayeeyo adeegyada caafimaadka aasaasiga ee bulshada JSL. Madaxweynaha waxa uu sheegay in helitaanka adeegyada caafimaadku ay tahay Xuquuq Aasaasi ah oo ay leeyihiin muwaadiniinta reer Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Xukuumad ahaan aanay waxba la hadhi doonin sidii loo horumarin lahaa nidaamka caafimaadka dalkeena, iyada oo la ballaarinayo helitaanka daryeel caafimaad oo tayo leh, casriyeynta Xarumaha adeega Caafimaadka ee aasaasiga ah ee Gobollada iyo Degmooyinka, iyo maalgelinta adeegyada caafimaadka aasaasiga ah. Waxa uu ku booriyay dhammaan daneeyayaasha โ€“ Hayโ€™adaha dawladda, Xirfadlayaasha daryeelka caafimaadka, iyo hoggaamiyeyaasha bulshada โ€“ in ay u midoobaan wax ka qabashada caqabadaha caafimaad si aynu u hiigsano horumar waara oo ah xagga adeegyada caafimaadka.

Hadalka Madaxweynaha ayaa ahaa mid leh dhiiri-gelin, isla markaana yididiilo gelinaya kalsoonida ay muwaadiniinta JSL ku qabaan barnaamijka tayaynta adeegyada caafimaadka ee Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad.

Dhinaca kale, Wasiirka, Wasiir-ku-xigeenka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa si qoto dheer oo farshaxannimo leh u faah-faahiyey ujeedada sugan ee Siyaadasada Guud ee Caafimaadka Qaranka ee xilliga dhaw iyo xilliga dheer. Qodobbada ugu muhiimsan ee ay masuuliyiinta Wasaaraddu ku soo koobeen ujeedada Siyaasadda Caafimaadka Qaranka waxa ugu mudnaa:

1. Aasaaska iyo Hirgelinta Caymiska caafimaadka qaranka (National Health Insurance),

2. Qorsha Maalgalinta Caafimaadka Qaranka (National Health Financing Strategy),

3. Nidaamka Daadejinta Caafimaadka heer Degmo. (National health Decentralization Plan),

4. Xoojinta Xidhiidhka Iskaashi ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Daneeyayaasha Caafimaadka,

5. Fududaynta Adeegyada Caafimaad ee Dadka la nool Baahiyaha gaarka ah.

6. La Tacaalidda Xanuunnada Raaga,

7. Aasaaska Xarunta Xakamaynta Cudurrada ee Somaliland (Somaliland CDC) .

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡,

๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ),
๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this