Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada PUNTLAND oo saldhigyo waa weyn maanta kala wareegay DAACISH

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in weli ciidamada difaaca Puntlan ay sii wadaan howl-gallada ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka socda dhulka buuraleyda ah, iyaga oo la wareegay saldhigyo waa wayn.

Ciidamada ayaa saacadihii ugu dambeeyay la wareegay saldhigyo waaweyn oo ay kooxdu ku lahayd aagga buuraha Calmiskaad ee Bari, sida ay sheegtay Puntland.

Taliska ciidanka PMPF ayaa ka warbixiyay hawlgalladii ugu dambeeyay ee dhacay, wuxuuna sheegay in ciidamadu ay burburiyeen talisyo mileeshiyaadka Daacish samaysteen, kadib howlgal qorsheysan oo ka dhacay degaannada Lugta Kalalay, Baraagaha Moqor yare iyo Moqor wayne iyo Dharinta Barile oo hoostaga Calmiskaad.

“Ciidamada Difaaca Puntland ayaa maanta hawlgallo qorshaysan ka fuliyey Lugta Kalalay, Baraagaha Moqor yare iyo Moqor wayne iyo Dharinta Barile, halkaasi oo ay ku burburiyeen Talisyo cusub oo ay lahaayeen Argagixisada Daacish” ayuu qoraalka.

Sidoo kale ciidamada ayaa intii ay ku guda jireen howlgalka, waxa ay gacanta ku dhigeen agab ay xubnaha Daacish u adeegsan jireen waxyaabaha qarxa, gaar ahaan miinada iyo qalab kale oo muhiim ah, sida lagu sheegay warbixinta ciidanka PMPF.

Waxaa kale oo uu talisku intaasi kusii daray in ciidamada difaaca Puntland ay ka go’an tahay in la tirtiro kooxaha argagaxisada, lagana saaro dhulka buuraleyda ah ee Bari.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Daacish oo ku aadan howlgallada ka dhacay halkaas ee ay guulaha ka sheegatay Puntland, waxaana muddooyinkii lasoo dhaafay aad u yaraaday dhaq-dhaqaaqa kooxda ee gobolkaasi.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo culus laga dareemayaa aagga buuraha Calmiskaad oo ay isku fidinayaan ciidamada Puntland, iyaga oo sii eryana firxadka maleeshiyaadka Daacish ee muddada dheer ku sugnaa buuraha hoostooda.

Puntland ayaa dhwaan ku dhawaaqay wajiga saddexaad ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada Daacish, waxaana ujeedka uu yahay in laga sifeeyo deegaannada maamulkaas oo ah fadhiga ugu wayn ee kooxda.

Dagaalka oo ah mid ballaaran ayaa waxaa ka qayb-galaya saaxibada caalamiga ah, sida Mareykanka iyo Imaaraadka oo duqqeymo ku taageero ciidamada Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this