Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Beesha Duduble oo kiis xasaasi ah ku eedeysay beesha Saleebaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka beesha Duduble ee (Maxamuud Hiraab) oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa eedeymo culus u soo jeediyey Wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaala iyo beesha Saleebaan, gaar ahaan macawiisleyda degan degmada Baxdo.

Bayaan ka soo baxay beesha Duduble ayaa lagu sheegay in dad xoolo dhaqato ah looga weeraray deegaan lagu magacaabo Haan-labile oo ka tirsan gobolka Galgaduud, deegaankaas ayaa ku yaalla soohdinta uu wadaago dhulka ay degaan beelaha Saleebaan iyo Duduble

Weerarkaas oo dhacay toddobaadkii hore waxaa lagu dilay seddax nin oo beesha Duduble ka soo jeeday, waxaana lagu dhaawacay labo kale, ragga dhinta waxaa laga furtay qoryahoodii, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ciidamada dilay ragaas ayaa waxaa hoggaaminayey guddoomiye ku xigeenka degmada Baxdo Axmed Salaad, waxayna ka jawaabayeen cabasho uga timid rag ay qaraabo yihiin oo aagga uu weerarkaasi ka dhacay degan, kuwaas oo ragga markii dambe la dilay ay subixii hore nin ka dhaawaceen.

Sidoo kale baaritaanka aan sameynay waxaan ku ogaanay in baraag ay lahaayeen nimanka Saleebaan uu khilaafku ka bilowday, ragga Duduble ee la dilay waxaa la sheegay in Baraagta ay yimaadeen iyagoo doonaya inay duugaan, qorshaha waxaa lagu sheegay barakicin aaggaas ka socotay.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta ayaa galabtii Talaadada ee ragaas la dilay habeenkeedii wuxuu bartiisa Facebook ku qoray in ciidan ka baxay degmada Baxdo ay soo dileen rag Shabaab ah, inkastoo postigaas uu goor dambe ka saaray bartiisa Facebook, kadib markii uu qoraal jawaab u ah soo saaray wasiiru dowlaha gaashaandhiga Cumar Cali oo Duduble kasoo jeeda.

Isku soo wada duuboo Caasimada Online mar kale waxay sameysay xooraan, waxaana ragga la dilay ee beesha Duduble kasoo jeday loo badiyey inay Shabaab ahaayeen, sidoo kale deegaan ahaayeen, dagaalna salka ku haya dhul daaqsimeedna uu beesha Saleebaan kala dhaxeeyey halkaas oo dhowr jeer ay isku fara sareen.

Odayaasha shirka jaraa’id ku qabtay Muqdisho waxay codsanayaan in dadkii laga dilay magtooda la siiyo raali gelina ka bixiso dowladda federaalka, gaar ahaan wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo ay ku eedeeyeen in mar kasta uu shaati Shabaab u geliyo dadka ay ka disho beeshiisa Saleebaan.

Hoos ka daawo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this