Sign in to follow this  
Deeq A.

Mahad Cabdi Maxamed oo lagu dilay Waqooyiga London

Recommended Posts

Deeq A.   

London (Caasimada Online) – Aabe Soomaaliyeed oo ku dhintay rasaas madaxa looga dhuftay waqooyiga London ayaa magaciisa la xaqiijiyey inuu yahay Mahad Cabdi Maxamed.

Booliiska ayaa degdeg ku gaaray Waddada Waverley ee Tottenham abbaaro 8:45 fiidnimo, Khamiistii, 20-ka Maarso, kadib markii loo soo sheegay toogasho lagu dhaawacay laba nin.

Markii ay ciidanku goobta yimaadeen waxay halkaasi ka heleen nin loo aqoonsaday inuu yahay Mahad, oo rasaas kaga dhacday madaxa, halka nin kale oo 26 jir ahna dhaawac rasaas uu ka soo gaaray lugta.

Inkasta oo ay ciidamada booliiska iyo adeegga caafimaadka degdegga ah ee London isku dayeen inay dhaawacyada wax ka qabtaan, haddana Mahad dhaawaciisa ayaa noqday mid halis ah, isagoo isla goobta ku geeriyooday.

Qoyska marxuumka, oo aad uga murugaysan dhacdadan, ayaa maanta soo saaray bayaan ay kaga hadlayaan xanuunka ka dhashay falkaasi.

Bayaanka ayaa lagu yiri: “Qoyskeennu waxa uu ka murugoonayaa lumitaanka xanuunka badan ee wiil, walaal, aabe iyo saaxiib ahaa.”

“Waxaan si xushmad leh idiinka codsanaynaa inaad nagu ixtiraamtaan xilligan adag. Aad baan idiinka mahadcelinaynaa fahamka iyo taageeradiinna.”

Ninka kale ee dhaawaca lugta qaba ayaa wali lagu daaweynayaa isbitaalka, xaaladdiisuna waa mid deggan kadib qalliin lagu sameeyay.

Ilaa hadda cidna looma soo xirin falkaasi, iyadoo Taliyaha Dembi-baarista Gaarka ah ee waqooyiga London, Rebecca Woodsford, ay bulshada ka codsatay inay booliiska kala shaqeeyaan baaritaanka.

Waxay tiri: “Laba nin ayaa Khamiistii lagu toogtay waddo dadweyne ah, midkoodna nasiib darro wuxuu naftiisa ku waayay dhacdadan.”

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska iyo saaxiibbada marxuumka xiligan adag.Waxaan fahamsanahay saameynta ay tani ku yeelan karto bulshada deegaanka. Kooxdaydu waxay si adag uga shaqaynayaan ururinta caddaymaha iyo baaritaanka sababta dhacdadan.”

“Waxaan ka codsanayaa dadka deegaanka ee arrintan walaaca ka qaba inay la hadlaan saraakiisha ku sugan goobta ama kooxda booliiska ee xaafaddooda.”

“Sidoo kale, waxaan ka codsanayaa qof kasta oo joogay aagga wixii ka dambeeyay 8-da fiidnimo ee Khamiistii 20-ka Maarso inuu booliiska la xiriirro haddii uu arkay ama maqlay wax laga shakisan yahay.”

“Macluumaadka aad haysaan waa muhiim, waxaana suurtagal ah inuu nagu caawiyo sidii loo heli lahaa dadkii falka ka dambeeyay. Fadlan la xiriira booliiska, waxaana la idiin ballanqaadayaa taageero buuxda.”

Qof kasta oo xog haya wuxuu la xiriiri karaa booliiska isagoo adeegsanaya lambarka CAD7426/20March, ama haddii aad rabto inaad xogtaada qariso waxaad la xiriiri kartaa Crimestoppers lambarka 0800 555111

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this