Deeq A. Posted March 24 Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Wararka naga soo garaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay duqeymo xoogan oo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka dhaceen deegaanka Alkowsar ee gobolkaasi, kuwaas oo dhaliyay khasaare xoogleh. Weerarkan dhanka cirka ah ayaa la soo wariyay in lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen saraakiil iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarinta, waxaana gaaray khasaare culus. Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaana duqeyntan si gaar ah loola beegsaday sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, laguna magacaabo Cali Biyow Gaafow iyo ilaaladiissa, kuwaa soo ku dhintay duqeynta xalay ka dhacday deegaanka Alkowsar. Sarkaalka la dilay ayaa si weyn looga yaqaanay Shabeelaha Dhexe, wuxuuna kamid ah horjoogayaasha Al-Shabaab ee hoggaaminayay xubnahooda soo galay gobolkaasi. Illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan duqeyntaas, waxaase la filayaa in saacadaha soo socda ay ka bixiso faahfaahin rasmi ah. Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga Alkowsar illaa Aadan Yabaal oo ay isku hayaan labada dhinac. Maalmo kahor ayaa sidaan oo kale loo duqeeyay deegaanno ay ku sugan yihiin Al-Shabaab, sida Ceel Cali Axmed, Ceelbacad iyo aagga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana jira khasaare culus oo la gaarsiiyay argagixisada. Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in la bartilmaameedkooda uu yahay goobo ay ku dhuumaaleysanayaan xubnaha Khawaarijta, si looga saaro halkaasi. Waxaa kale oo jirtay in la duqeeyay gudaha degmada Jilib ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe, taas oo lagu beegsaday xarunta degmada, xarunta waxa ay ugu yeeraan jabhadaha, labo xarun oo ay ku samayn jireen tababarada iyo qaraxyada iyo labo guri oo ay daganaayeen Horjooge Xasan Yacquub iyo Horjooge Amiin. Duqeymahan ayaa waxaa lagu taageerayaa ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka ee haatan dagaalka adag kula jiro argagixisada oo ay isku hayaan Shabeellooyinka. Waxaa kale oo looga hortegayaa qorshaha dib isku soo abaabulidda Al-Shabaab oo mar kale kusoo rogaal celisay deegaanno horay looga xoreeyay, iyadoo ujeedka duqeymaha ay yihiin in lagu curyaamiyo awooddooda. Share this post Link to post Share on other sites