Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo howl-gal culus ku qaaday Shabaab soo galay waddada Muqdisho iyo…

Recommended Posts

Deeq A.   

Balcad (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in maanta ciidamo dheeraad ah ay u dirtay waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar, kadib markii dhowaan ay soo galeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Ciidamada Xoogga dalka ayaa howlgallo waddo furis ah ka bilaabay inta u dhexeysa degmooyinka Balcad iyo Jowhar oo ah halka lagu arkay xubnaha kooxda Al-Shabaab, si ay uga sifeeyaan dhulkaasi, una fududeeyaan isku socodka labada magaallo.

Deegaannada ay howlgallada ka socdaan waxaa kamid ah deegaanka Qalimow oo dhaca waddadaas, waana deegaan istaraatiiji ah halkaas oo ay soo gaareen Al-Shabaab.

Waxaa kamid ah meelaha kale ee lagu arkay xubnaha Al-Shabaab deegaanno isku xiro magaalooyinka Balcad iyo Afgooye, halkaas oo ay kusii jeedaan ciidamada dowladda.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamadu ay halkaasi ka sameysteen bar-koontarool iyaga oo sidoo kale wada dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Tallaabadan ayaa ujeedkeedu yahay in looga hortago xubnaha Al-Shabaab ee mararka qaar kusoo dhuunta deegaannadaasi, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Dhawaan ayaa sidoo kale la arkay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo taagan waddada maraysa deegaannada Ceelasha Biyaha, Lafoole iyo Xaawo Cabdi, iyaga oo baarayay gaadiidka dadka rayidka ah.

Al-Shabaab ayaa Ceelasha Biyaha ka damisay layrarkii ku xirnaa jidadka waaweyn ee deegaanka, waxayna dadka deegaanka u sheegeen inay si nabad ah ku joogaan halkaasi. Lama soo werin wax iska caabin ah oo ay la kulmeen markii ay halkaas yimaadeen.

Xaaladdan cusub ayaa cabsi xooggan ku abuurtay dadka deegaanka, waxaana arrintaasi dhalisay hadal-heyn ballaaran oo ka socota baraha bulshada, iyadoo dadku ay is-weydiinayaan sida ay kooxdaasi ugu suuragashay inay si sahlan ku gaaraan halkaasi.

Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe ayaa haatan laga dareemayaa culeysyo cusub oo kooxda ay ku hayso shacabka iyo deegaannada, kaddib markii ay dib ula wareegeen tuulooyin horay looga saaray, waxaana hadda socda howlgallo culus oo lagu doonayo in lagu xoreeyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa xirtay tuutaha, wuxuuna gaaray furimaha hore ee dagaalka, si uu dhiirogelisyo ciiidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Soomaaliya ayaa haatan wajahaysa xaalad u baahan badbaado degdeg ah, maadaama Al-Shabaab ay wadaan weerarro is-daba-joog ah oo aan horay loo arag, halka awoodda ciidamada qaranka ay meelaha qaar hoos u dhacday, waxaana muuqda baahi weyn oo loo qabo abaabul xooggan iyo dadaal mideysan oo heer qaran ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this