Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Soomaaliya oo maanta si rasmi ah ugu biirtay…

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga mid noqotay Heshiiska Bangiga Dhoofinta iyo Soo-dajinta ee Afrika (Afreximbank).

Tan ayaa Soomaaliya ka dhigeysa dalkii 53-aad oo xubin ka noqda hay’addan maaliyadeed ee ka howl-gasha guud ahaan qaaradda Afrika.

Ku biiritaanka Soomaaliya ee Afreximbank ayaa lagu caddeeyay qoraal rasmi ah oo uu saxiixay Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Hirsi Jaamac Gaani, kaasoo lagu wargeliyay in Soomaaliya ay aqbashay heshiiska aas-aaska ee bangiga, isla markaana ay qaadayso dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo dedejiyo ansixinta heshiiska.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku tilmaantay xubinnimada Afreximbank tallaabo muhiim ah oo horay loogu sii qaadayo koboca dhaqaale, horumarinta kaabayaasha ganacsiga iyo warshadaha dalka.

Waxa kale oo ay xustay in tani ay Soomaaliya ka caawinayso ka qeyb-qaadashada dadaallada isku-xirka dhaqaalaha Afrika, gaar ahaan iyada oo loo marayo Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika (AfCFTA).

Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Guddiga Agaasimayaasha ee Afreximbank, Prof. Benedict Oramah ayaa si diirran u soo dhoweeyay go’aanka Soomaaliya, isagoo tilmaamay in isdhexgalkaasi uu kor u qaadayo faa’iidooyinka labada dhinac ee iskaashiga cusub.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cabdullaahi ayaa xusay in dadka Soomaaliyeed ay caan ku yihiin ganacsigooda iyo hal-abuurkooda dhaqaale, wuxuuna ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed inay si wanaagsan uga faa’iidaystaan fursadaha ballaaran ee uu Afreximbank bixiyo.

Soomaaliya ayaa sanadihii dambe xoojineysay joogitaankeeda gobolka iyo ka-qeybgalka ururrada iyo dalladaha qaaradda, iyadoo xaqiijisay ku biiristeeda urur-goboleedka Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this