Sign in to follow this  
Xoogsade

Dagaalkii Kismaayo oo dhamaaday iyo beel sheegatay in ay gacanta ku hayso magaalada.

Recommended Posts

Xoogsade   

Dagaalkii Kismaayo oo dhamaaday iyo beel sheegatay in ay gacanta ku hayso magaalada.

 

Muqdisho 23 Abriil 07 (Beerdhiga ) Dagaalka Maanta oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa uu ka billawday Xaafada Faanoole markii Maleeshiyaad ka tirsan DFKM ay hab beel ah u soo weerareen labada Hotel ee ugu waawayn Kismaayo

 

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku geeriyootay 13 kalena waa ay ku dhawaacmeen dagaalka oo dhexmaray laba beelood oo Maleeshiyaadkoodu ay kawada tirsan yihiin DFKM.

 

Afhayeen u hadlay mid ka mid ah labada beelood ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan magaalada Kismaayo waxaana uu intaas ku daray in ay iska caabiyeen Beel ku soo duushay oo ka dhan ahayd waxa uu ugu yeeray ammaankii lagu wada joogay Kismaayo.

 

Maxamed Xasan Cali oo u hadla golaha Siyaasada ee beesha ********* waxaa uu shaaca ka qaaday in ay qabsadeen 7 baabuurta dagaalka islamarkaana ay maleeshiyada beeshiisa ka geeriyootay 4 nin.

 

Ma cada halka ay qabteen maleeshiyooyinkii beeshii kale laakiin dadka caadiga ah ee Beeshaas ayaa la arkayay iyagoo ku sugan isbitaalka oo lagu dawaynayo dhaawacyada labada dhinac.

 

 

Daawo sawirrada

 

http://www.beerdhiga.com/

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this