Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Afrika oo sheegay inuu si buuxda u garab taaganyahay dowladda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Midowga Afrika danjire Maxamuud Cali Yuusuf oo safarkiisii ugu horreeyay taniyo markii la doortay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ku jooga ayaa sheegay inuu si buuxda u garab taaganyahay dadaallada ay waddo dowladdu.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay guulo waaweyn ka gaartay arrimaha deyn cafinta, siyaasadda arrimaha dibadda oo ay ku jiraan ku biirista golaha ammaanka iyo Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha bulshada bariga Afrika, iyo la dagaallanka argagixisada.

” haddaan nahay Midowga Afrika waan idin garab joognaa, dadaalka waan sii wadaynaa, wax joogsanayana ma ahan intaan xilka hayo” ayuu yiri guddoomiyaha Maxamuud Cali Yuusuf.

Booqashada guddoomiyaha Midowga Afrika uu ku joogo Muqdisho ayaa ah tii ugu horraysay ee uu ku tagey dal kamid ah 54 xubnood ee golaha, waana socdaal Soomaaliya muhiimad gaar ah u leh, markii la eego xaaladda gobolka, iyo howlgalka cusub ee nabad ilaalinta AUSSOM.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this