Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta kulanka R/W Xamza iyo guddoomiye Maxamuud Cali Yuusuf + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf oo maanta booqasho shaqo oo laba maalmood ah ku yimid dalka.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ayaa kulankooda uga wada-hadlay xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta u dhaxeysa Midowga Afrika iyo Soomaaliya.

Labada masuul ayaa si gaar ah diiradda u saaray arrimaha amniga, la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab, iyo doorka hawlgalka cusub ee AUSSOM ee Midowga Afrika.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa uga mahadceliyay guddoomiyaha booqashadiisa, taasoo muujineysa ahmiyadda uu Midowga Afrika u leeyahay Soomaaliya.

Xamza ayaa intii uu kulanka socday tilmaamay guulaha waaweyn ee dowladda Soomaaliyeed ka gaartay dhinacyo kala duwan, gaar ahaan dagaalka xooggan ee lagu ciribtirayo argagixisada, taasoo halis ku ah amniga guud ee gobolka.

Guddoomiyaha Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, oo ugu horreyn ka mahad-celiyay soo dhaweynta diirran ee loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa, ayaa sheegay inay sii wadi doonaan taageerada ay la garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu la kulmo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Dowladda Soomaaliya ayaa door muhiim ah ka qaadatay guushii Maxamuud Cali Yuusuf ee hoggaaminta AU-da, oo uu kaga adkaaday musharraxii ka socday Kenya, Raila Odinga.

486199773_1010306507865162_8932879354059
486320016_1010306584531821_3655895630464
486190109_1010306477865165_7888023206244
486048616_1010306501198496_3567713717559
486284289_1010306534531826_4783203886666
486371335_1010306554531824_1610583900731
485872318_1010306521198494_6788529328070
486612612_1010306574531822_5985820976104
485956495_1010306471198499_8294572197250

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this