Sign in to follow this  
Deeq A.

Bisad duureed weerar cajiib ah ku qaaday ciidanka Israel + Khasaaraha ka dhashay

Recommended Posts

Deeq A.   

Tel Aviv (Caasimada Online) – Warbaahinta Israa’iil ayaa daabacday warbixino faah-faahsan oo ku saabsan weerar ay qaaday bisad duureed, taasoo ka timid dhanka Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar.

Weerarkan ayaa ka dhacay xadka ay Israa’iil iyo Masar wadaagaan, halkaas oo bisaddu ay si lama filaan ah ugu weerartay qaar ka mid ah ciidamada Israa’iil.

Sida laga soo xigtay warbixinnada, bisadda ayaa qaniintay oo xag-xagtay askar ka tirsan ciidanka Israa’iil, taasoo sababtay dhaawacyo culus, oo qaar kamid ah askarta u dhinteen.

Askartii waxyeelladu gaartay ayaa loo qaaday xarumo caafimaad, si loogu daaweeyo dhaawacyada ay bisaddu gaarsiisay.

Dhererka bisadda duureed ee weerarka geysatay ayaa lagu qiyaasay inta u dhaxaysa 60 ilaa 130 sintimitir, waxayna ku dhaqaaqday xawaare sare, iyadoo si toos ah ugu gashay xero ciidan oo ku taalla difaacyada Israa’iil ee xadka Masar.

Kadib markii ay bisaddu fulisay weerarka, waxay dib ugu laabatay dhulkii ay ka timid ee Masar, arrintaas oo dhalisay hadal hayn badan.

Lama oga sababta rasmiga ah ee keentay weerarkan, balse dhacdadan ayaa noqotay mid la yaab leh oo xiiso badan dhalisay.

Qaar ka mid ah askartii dhaawacantay ayaa sheegay in weerarka uu ahaa mid deg-deg ah, bisaddu ay si kedis ah ugu booday, ayna u suurta-gashay in ay dhaawacyo gaarsiiso.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ciidamada Israa’iil dagaal kula jiraan shacabka Falastiin ee Gaza, isla markaana la diiwaangeliyay dhacdooyin kale oo la yaab leh, sida weerar ay geysteen shinni, roob xooggan oo askartu u adkeysan waayeen, iyo xanuun dhanka maskaxda ah oo la sheegay in uu saameeyay qaar ka mid ah ciidanka Israa’iil.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this