Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaalka Itoobiya oo sii xoogeystay – Dowladda iyo Fano oo guulo kala sheegtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Ciidamada Itoobiya ayaa sheegay inay dileen in ka badan 300 dagaalyahan oo ka tirsan kooxda hubeysan ee Fano, oo horey ula safnayd dowladda dagaalkii ka dhanka ahaa fallaagada TPLF ee gobolka Tigray, kaddib laba maalmood oo ay dagaallo ka socdeen gobolka waqooyi ee Amxaarada.

War-saxaafadeed ay ciidamada soo saareen ayaa lagu sheegay in dagaalyahannada Fano ay weerarro ka fuliyeen goobo kala duwan oo ka tirsan gobolka Amxaarada, balse ay ciidamada “baabi’iyeen” intii lagu guda jiray dagaalladaas.

Taliska milatariga ayaa sheegay in 317 dagaalyahan oo Fano ah la dilay, halka 125 kalena la dhaawacay.

Si kastaba, Abebe Fantahun, afhayeenka Fano ee Wollo Bete-Amxaaro, ayaa si cad u diiday tirada ay sheegtay dowladda, wuxuuna u sheegay wakaaladda Reuters in ciidamada aysan dilin xitaa 30 ka mid ah dagaalyahanadooda.

Dhanka kale, Yohannes Nigusu, afhayeenka Fano ee gobolka Gondar, ayaa sheegay in 602 askari oo ka tirsan ciidamada federaalka lagu dilay dagaalka, 430 kalena lagu dhaawacay, halka 98 askarina la qabtay, isla markaana laga furtay hub.

Xulafe hore oo kala irdhoobay

Kooxda Fano waxay horey uga dhinac dagaallameen ciidamada Itoobiya iyo kuwa Eritrea intii uu socday dagaalkii laba sano qaatay ee lagula jiray Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF), taasoo gacanta ku haysa gobolka waqooyi ee Tigray.

Tan iyo markaas, xiriirka Itoobiya iyo Eritrea ayaa xumaaday, iyadoo Eritrea laga saaray wadahadalladii lagu soo afjaray dagaalka bishii Nofeembar 2022.

Dagaalka u dhexeeya ciidamada federaalka iyo Fano ayaa dib u qarxay bishii Luulyo 2023, kaddib markii ay dadka gobolka Amxaarada dareemeen in lagu khiyaamay qodobbadii heshiiskii nabadeed ee 2022.

Sannadkii hore, TPLF ayaa u kala jabtay laba garab oo ay kala hoggaaminayaan Debretsion Gebremichael iyo Getachew Reda, kuwaasoo mid walba sheeganaya inuu yahay hoggaamiyaha rasmiga ah ee xisbiga.

Warbixintii ciidanka ee Jimcihii ayaa eedeyn u jeedisay Jeneraalka sare ee milatariga, Migbey Haile, oo lagu tilmaamay inuu ka tirsan yahay garabka Debretsion, iyadoo lagu tuhunsan yahay inuu taageeray weerarrada Fano ee gobolka Amxaarada.

“Jeneraal Migbey Haile waa shaqsi kasoo horjeeda nabadda iyo horumarka, wuxuuna horey shacabka Tigreega ugu riday dagaallo isagoo aan lahayn aqoon ciidan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Si kastaba ha ahaatee, Abebe ayaa u sheegay Reuters in arrintaasi ay tahay “been cad”, isagoo ku adkeystay in Jeneraalka uusan wax xiriir ah la lahayn kooxda Fano.

‘Ciidan xadgudub sameynaya’

Cabsi laga qabo dagaal hor leh ayaa isa soo tarayay toddobaadyadii la soo dhaafay, kaddib markii Eritrea lagu warramay inay ku dhawaaqday isugu yeerid ciidan qaran, halka Itoobiya ay ciidamo u daabushay xadka labada dal.

Dhinaca kale, hay’adda Human Rights Watch ayaa ku eedeysay ciidamada Itoobiya inay geysteen xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo dambiyo dagaal intii uu socday dagaalka ay kula jiraan kooxda Fano.

Sannadkii hore, Human Rights Watch ayaa shaaca ka qaaday in ciidamo Itoobiyaan ah ay toogasho ku dileen dad rayid ah oo ku sugnaa magaalada Merawi ee gobolka waqooyi-galbeed ee Amxaarada.

“La dagaallanka ciidamada Itoobiya ay kula jiraan rayidka gobolka Amxaarada waxay meesha ka saaraysaa sheegashada dowladda ee ah in ay doonayso inay sharci iyo kala dambeyn kusoo celiso gobolka,” ayay tiri Laetitia Bader, ku-xigeenka agaasimaha Afrika ee Human Rights Watch.

“Tan iyo markii uu billowday dagaalka u dhexeeya ciidamada federaalka iyo kooxda Fano, shacabka ayaa mar kale noqday kuwa ugu badan ee dhibbanayaal u noqda ciidan si xadgudub ah u dhaqmaya, iyadoo aan laga cabsi qabin ciqaab,” ayay sii raacisay.

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this