Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo jawaab ka soo saartay haddii Mareykanka ku lug lahaa xil ka qaadista Jaamac

Recommended Posts

Deeq A.   

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u beenisay wararka sheegaya in cadaadis dibadeed oo Mareykanku ku lug leeyahay uu sababay xil-ka-qaadistii dhawaan lagu sameeyay wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Warbixin ay Talaadadii daabacday Middle East Eye ayaa lagu sheegay in xilka qaadista wasiir Nuur ay ka dambeysay olole ka yimid saraakiil ka tirsan militariga Mareykanka. Sida warbixinta lagu sheegay, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa amray in Nuur laga qaado xilka Wasiirka Gaashaandhigga, ayada oo loo magacaabay Wasiirka Dekedaha.

Go’aankan ayaa la sheegay inuu salka ku hayo walaaca Mareykanka ee ku saabsan dadaalka wasiir Jaamac uu ku xoojinayay xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga ee dhinacyada difaaca, tamarta, iyo hawada sare.

Waxaa la sheegay in Mareykanku ka cabsi qabay in xiriirkan sii xoogeysanaya uu carqaladeeyo taageerada militariga Mareykanka uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Heshiiska difaaca Soomaaliya iyo Turkiga

Murankan ayaa iftiimiyay heshiis muhiim ah oo dhinacyada badda, ganacsiga iyo difaaca ah oo Soomaaliya iyo Turkigu kala saxiixdeen bishii February ee sanadkii hore, xilligii wasiir Jaamac uu xilka hayay.

Heshiiskan ayaa Turkiga u xil saaray ilaalinta biyaha Soomaaliya, dhismaha ciidanka badda Soomaaliya, iyo ka caawinta sahminta kheyraadka tamarta ee Soomaaliya, iyadoo loo arkayay tallaabadan inay jawaab u ahayd heshiis Itoobiya ay la gashay maamulka Somaliland oo dhinaca ciidamada badda ah.

Warbixinta ayaa sidoo kale soo xigatay saraakiil Soomaaliyeed oo magacooda la qariyay, kuwaas oo sheegay in saraakiil ka tirsan milatariga Mareykanka ay marar badan Madaxweynaha Soomaaliya ku cadaadiyeen inuu xilka ka qaado wasiir Nuur, iyagoo ku eedeeyay inuu si aan ku filneyn ula shaqeynayay ciidamada Mareykanka, isla markaana ay ka dalbadeen in faahfaahinta heshiiska Turkiga lala wadaago.

Waxaa intaas dheer, warbixintu waxay soo hadal qaaday tallaabooyin dhowaan ay qaadeen Mareykanku, sida digniino amni oo ay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho soo saartay oo sababay kansalaadyo duullimaadyo badan ah, duqeymo bartilmaameed ah oo lala beegsaday madaxda kooxda Daacish ee Soomaaliya, iyo dhimista dhaqaalaha ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab.

Saraakiisha Turkiga waxay hoos u dhigeen saameynta arrintan, iyagoo carrabka ku adkeeyay in xiriirka labada dal uu yahay mid adag oo ku dhisan wada-shaqayn heer hay’adeed ah.

Soomaaliya oo beenisay eedeymaha

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga, Fathudin Cali Maxamed, oo ka jawaabay wararkan ayaa wareysi uu siiyay Middle East Eye ku tilmaamay inay yihiin kuwo “aan sal iyo raad lahayn” islamarkaana “meel ka dhac ah,” isagoo ku adkeystay in Soomaaliya ay tahay dal madax-bannaan oo awood u leh inuu si madax bannaan u gaaro go’aannada dowladda.

Bayaan uu ku soo diray email ayuu Safiir Maxamed ku yiri, “Sheegashada ah in Mareykanku uu ka dambeeyay xil-ka-qaadista wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur, sababo la xiriira xiriirkiisa Turkiga, waa mid aan sal lahayn oo meel ka dhac ku ah madaxbannaanida Soomaaliya.”

Wuxuu sidoo kale sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga aan lagu soo koobi karin kaalinta hal shaqsi, isagoo carrabka ku adkeeyay inay tahay marin habaabin lagu fududaynayo iskaashiga istiraatiijiga ah ee labada dal ka dhexeeya.

“Waxaan si cad u diideynaa fikradda ah in go’aamada Golaha Wasiirrada Soomaaliya lagu qaato cadaadis shisheeye. Sheegashooyinka noocaas ah waxay dhaawacayaan kalsoonida waxayna marin habaabinayaan xaqiiqada dowladnimadayada,” ayuu yiri safiirku, isagoo intaa ku daray in isbeddellada hoggaaminta Soomaaliya ay ku salaysan yihiin oo keliya danta qaranka iyo baahiyaha horumarka dalka.

Dowladda Mareykanka ayaan weli ka hadlin arrintan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this