Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaaladda ITOOBIYA oo kasii dareysa kaddib weerarro abaabulan oo dhacay

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis Ababa (Caasimada Online) – Xiisadda colaadeed ee ka taagan Itoobiya ayaa kasii dareysa kadib markii jabhadda Fano ay weerarro qorsheysan ku qaaday ciidamada qaranka.

Maleeshiyada Fano ayaa sheegtay inay guullo la taaban karo ka gaareen weerarro ay ku qaadeen ciidamada qaranka, taasoo sii xoojisay xiisadaha colaadeed ee dalka ka taagan.

Ciidamada difaaca Itoobiya ayaa dhankooda xaqiijiyay inay iska horimaadyo culus ka dhaceen ugu yaraan lix aag oo ka tirsan gobolka Amxaarada, halkaasoo lagu dilay in ka badan 300 oo dagaalyahan oo ka tirsan Fano.

Eedeymaha ka dhanka ah Tigray

Ciidamada Itoobiya ayaa eedeyn culus u jeediyay Sarreeye Guuto Migbe Xayle, oo kamid ah taliyayaasha ugu caansan ciidamada Tigray, iyagoo ku eedeeyay inuu gacan ka gaystay abaabulka gulufyada maleeshiyada Fano ee gobolka Amxaarada.

Waa markii ugu horreysay oo saraakiil sare oo Tigray ah si toos ah loogu eedeeyo inay ku lug leeyihiin colaadda Axmaarada.

Jeneraalka oo warbaahinta la hadlay ayaa si adag u beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay, wuxuuna sheegay in ciidanka Tigray uusan wax xiriir ah la lahayn Eritrea.

Dhawaan, xukuumadda Abiy Axmed ayaa koox ka tirsan xisbiga siyaasadeed ee Tigray ku eedeysay inuu xidhiidh la leeyahay Eritrea, hase yeeshee, ra’iisul wasaaruhu wuxuu horraantii toddobaadkan meesha ka saaray suurtagalnimada dagaal u dhaxeeya dowladdiisa iyo Eritrea.

Illaa iyo hadda ma jiraan warar madax-bannaan oo xaqiijinaya sheegashada dowladda Itoobiya ee khasaaraha ka dhashay dagaallada ka socda Amxaarada.

Xiisadda Eritrea iyo Ethiopia

Walaaca laga qabo dagaal labada dal dhexmara ayaa sii xoogeystay toddobaadyadii la soo dhaafay, kadib markii Eritrea ay ku dhawaaqday abaabul ciidan oo qaran, sida laga soo xigtay hay’ad xuquuqda aadanaha u doodda.

Dhanka kale, ilo diblomaasiyadeed iyo saraakiil la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in Itoobiya ay ciidamo u dirtay xadka ay la wadaagto Eritrea.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Gedion Timotowos, ayaa toddobaadkii hore sheegay in mid ka mid ah kooxaha Tigray uu xiriir la leeyahay Eritrea, inkastoo uusan si gaar ah u caddeyn.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea, Cismaan Saalax, ayaa ku gacan seyray eedeymahaasi, isaga oo ku eedeeyay Itoobiya inay raadineyso gelitaan bad leh iyo saldhig ciidan.

Gobolka Tigray, oo mar xudun u ahaa dagaal sokeeye oo lagu qiyaasay inuu galaafatay nolosha nus milyan qof, ayaa weli wajahaya xasillooni darro.

Inkastoo heshiis nabadeed la gaaray dabayaaqadii 2022, haddana khilaaf cusub ayaa ka dhex qarxay maamulka ku meel gaarka ah iyo mucaaradka TPLF, taasoo sababtay in koox hubeysan la wareegto xafiiska duqa magaalada Mekelle.

Xiisadda ka dhex taagan Itoobiya iyo Eritrea, oo ay uga sii darayso khilaafka Tigray, ayaa sare u qaadday walaaca laga qabo in dib loogu laabto dagaallo hor leh.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this