Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo loo haysto in dhul Puntland ah ku dartay Galmudug – Sidee wax u dhaceen?

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulla Puntland ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeysay inay degmooyin ka tirsan maamulkeeda ay ku dartay maamulka Galmudug.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Sheekh Cali oo ka horyimid tallaabadan ayaa sheegay in dowladda dhexe ay degaannada gobolka Mudug ka hurinayso colaad ay fooda isku daraa labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug.

Sidoo kale waxa uu ka digay in aysan marna ka maamul ahaan aqbali doonin in colaad iyo isku dhacyo hubaysan laga abaabulo gobolka Mudug.

Sidee dhul Puntland ah loogu daray Galmudug?

Hay’adda dowladda federaalka Soomaaliya u diiwaan-gelinta iyo aqoonsiga dadweynaha ee NIRA ayey Puntland ku eedeysay in degmooyinka Galdogob iyo Jarriiban u diiwaan-gelisay kuwa ka tirsan dowlad-goboleedka Galmudug.

Tan ayaa waxaa si weyn uga qeyliyay maamulka Puntland, oo sheegay in aysan aqbali doonin in dhul kamid ah la siiyo maamulka ay jaarka yihiin ee Galmudug.

“Maamulka gobolka Mudug wuxuu si cad u cambaaraynayaa go’aanka sharci darrada ah ee ay qaaday hay’adda diiwaangelinta iyo aqoonsiga DFS ee NIRA, kaasi oo degmooyinka Galdogob iyo Jarriibam ee Puntland uu gebi ahaanba ugu daray maamulka Galmudug,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland.

Waxa uu intaas kusii daray: “Qoraalkaan oo aan helnay waxa uu salka ku hayaa xaqiraad lagula kacayo dad iyo degaan ka tirsan Puntland, waxaana si buuxda halkaan uga cadaynaynaa in degmooyinka Jariiban, Goldogob iyo Gaalkacyo oo iyada la wada dagan yahay ay yihiin degmooyin ka tirsan Maamulka Puntland ee Soomaaliya.”

Tallaabooyinkan ayuu ku sheegay kuwa soo noq-noqday oo ka hor imaanaya dastuurka dalka, isla markaana ah fal khatar gelinaya nabadda, wadajirka, darisnimada iyo xasiloonida bulshada ku dhaqan deegaanada gobolka Mudug ee labada maamul.

“Ma aha wax la aqbali karo in mar walba la maqlo qoraalo caynkaas ah oo salka ku haya dano siyaasadeed iyo xaqiraad joogta,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiye Faysal Sheekh Cali.

Ugu dambeyntiina, guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland ayaa ugu baaqay hay’adda diiwaan-gelinta iyo aqoonsiga dadweynaha ee NIRA in ay waantoobaan go’aannada noocaan ah, isla markaana ay ixtiraamaan jiritaanka maamulka Puntland iyo xuduudaheeda dastuuriga ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this