Sign in to follow this  
General Duke

Libya grants $95 million to support TFG..

Recommended Posts

Tripoli: Dawladda Liibiya oo Sheegtay in ay Kaalinteeda ka Qaadanayso Qorshaha ay Dawladda Federaalku ku Dooneyso Agab dhan $94 Malyuun

- Tuesday, July 19, 2005 at 21:34

 

Tripoli - Ra'iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka KMG ee Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geeddi ayaa maanta booqasho sharaf ugu tagay Al-sayid Maxamed Majduub oo xubin ka ah Golaha Sare ee looga taliyo Dalka Jamaahiiriyadda Libiya.

 

Kulankaasi oo ay ku wehliyeen Ra'iisal Wasaare Geedi, Ku-xigeenka Ra'iisal Wasaraha, ahna Wasiirka Iskaahi Gobaleedka, Mudane Ismaaciil Maxamud Hurre "Buubaa", Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaahiga caalamiga Dr. Cabdirisaaq Cusmaan Xasan "Juriile", Danjiraha Dalka Soomaaliya u fadhiyo Liibiya Dr. Maxamed Xuseen Ilka-dahab ayaa waxaa ay labada mas'uul kaga ka wadahadleen Barnaamij sadaxda qoddob ka kooban ee kala ah soo-celinta Amaanka, dib u dhiska Maamulada degmooyinka iyo Gobalada iyo dhameystirka dib u heshiisiinta Bulshada.

 

Warka oo uu aan ka soo xiganay Af-hayeenka Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha Md. Cabdiraxmaan Diinaari ayaa intaas ku daray in Prof Geeddi iyo Alsayid Majduub ay ka wadahadaleen baahida loo qabo gacansiinta Qorshaha dib loogu dhisayo Dalka Soomaaliya, wuxuuna R'aiisal Wasaraha Soomaaliya weydistay Dowladda Jamaahiiriyada Liibiya inay kaalin ka qaadato Barnaamijka deg-dega ah ee dib loogu dhisaayo Soomaaliya oo qeyb ka mid ah lacagtaasi Soomaaliya loo soo mariyo Hay'adaha Qaramada Midoobay, sida UNDP.

 

Al-sayid Maxamed Majduub oo arrintaasi ka war-celinaayay ayaa caddeeyay in Jamaahiiriyadda Liibiya aanay waxba kala hareynin Walaalahooda Soomaaliyeed ayna ka qeybqaadan doonaan Qorshahaasi qeybta kaga aadan ee Dowladda soomaaliyeed ku doonayso agab dhan $94 malyuun oo doolar.

 

AllPuntland.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowladda Liibiya oo dhaqaalihii ugu badnaa ku wareejin doonta Dowladda Federaalka Soomaaliya

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Xafiiska Midnimo ee Jowhar, Soomaaliya

 

Xukuumadda dalka Liibiya ayaa u ballan qaaday dowladda Federaalka Soomaaliya dhaqaale aad u badn oo qeyb ka ah dib u dhiska dalka soomaaliya iyo mushaararka Ciiamada kala duwan ee dalka.

 

Liibiya waxay bixinaysaa dhaqaale Lacageed oo dhan 95 Milyaan oo Dollar, lacagtaas oo qeyb ka ahayd Lacag hore looga ballan qaaday Dowladdii C/qaasim Salaad Xasan,waxaana la sheegay in lacagtaas hadda lagu wareejin doona Xukuumadda Cali Maxamed Geeddi.

 

Sida uu sheegay Afhayeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Diinaari oo haatan ku sugan dalka Senegal Liibiya waxay diyaar u tahay inay bixiso Lacag aad u badan oo uu sheegay inay wax baan ka tareyso dib u dhiska dalka Soomaaliya.

 

Lacagta iminka loo sheegay Ra’iisal wasaaraha ayaa gaareysa ilaa 94.000.000 oo Doolarka Mareykanka ah, waxaana lacagtaasi gacanta loogelin doonaa Dowladda Cusub ee Soomaaliyaa.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Xafiiska Midnimo ee Jowhar, Soomaaliya

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

.RA'IISAL WASAARAHA SOOMAALIYA PROF. GEEDDI IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO LA KULMAY MADAXWEYNAHA DALKA LIIBIYA COL. MUCAMAR AL-QADAAFI LOONA OGOLAADAY QARASH MALAAYIIN DOOLAR AH.

 

 

Ra'iisal wasaaraha dowlada federaalka Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan Jamhuuriyada Liibiya ayaa waxa ay la kulmeen hoggaamiyaha dalka Liibiya Col. Mucamar Al-Qadaafi.

Wafdiga katirsan dowlada federaalka oo uu hogg-aaminayo Ra'iisal wasaare Geeddi ayaa waxa ay kala hadleen Col. Qadaafi iyo xubnaha dowlada Liibiya ay la kulmeen, sidii Liibiya ay gacan uga gaysan lahayd dib u dhiska dalka soomaaliyeed.

Ra'iisal wasaaraha dowlada federaalka Soomaaliyeed Cali Maxamed Geeddi iyo wafdigiisa oo la sheegay in laba maalmood ee soo socota ay sii joogi doonaan wadanka Liibiya isagoo sugi doona dhaqaalo loo balan qaaday oo la filayo in gacanta loo galiyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this