Sign in to follow this  
Jacaylbaro

2nd Anniversary of the Somaliland Parliament Elections

Recommended Posts

hadhwanaag 2007-09-29 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [Cabdiraxmaan Cirro] ayaa sheegay Inay Doorashadii Golaha Wakiillada lagu doortay ay ahayd talaabo guul ah,isla markaana badhitaar u ahayd ictiraaf u raadinta Somaliland oo dalka ka qabsoontay 29 September 2005-ka.

 

Sida waxa uu Gudoomiyuhu ku sheegay dhanbaal hanbaalyo ah oo uu Caawa u diray Shacbiga reer Somaliland Sanad-guurada 2aad ee ka soo wareegtay Doorashada Golaha Wakiillada Awadeed..

 

“Maanta oo ay taariikhdu tahay 29/9/2007 Waxay ku beegan tahay maalin taariikhweyn ku leh Somaliland,oo ah maalintii ay shacbiga reer Somaliland u dareereen inay si toosa ay codkoosa ugu doortaan Wakiillo ay iyagu leeyiin oo ku fadhiya awoodooda iyo kalsoonidooda waa 29/9/2005” sida waxa uu Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu Cabdiraxmaan ku sheegay dhanbaalkiisa hanbalyada.

 

“Doorashadii Golaha Wakiillada waxay mujtamaca Caalamka iyo shacbiga reer Somaliland ay u aqoonsan yihiin inay ahayd talaabadii ugu muhiimsanayd ee Geedi socodka hanaanka dimuqraadiyada Jamhuuriyada Somaliland ee Curdinka” ayuu intaasi raaciyey.

 

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi waxa uu ku tilmaamay Doorashadii Golaha Wakiilladu inay badhitaar u ahayd ictiraaf raadinta dalka.“Waxay ahayd talaabo Guul ah oo badhitaar fiican u ahayd ictiraaf u raadinta Somaliland” ayuu yidhi.

 

Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi waxa uu yidhi“Aniga oo ku hadlaya Magaca Shir-gudoonka Golaha Wakiillada iyo ka Mudanayaasha Golaha Wakiillada dhamaantood Waxaan salaan diiran iyo mahad-naq balaadhan u dirayaa Shacbiga reer Somaliland Meelkasta oo ay joogaan”

 

“Waxaan shacbiga reer Somaliland uga mahadcelinayaa Codka iyo Kal-soonida ay siiyeen Wakiilladooda”ayuu ku yidhi Gudoomiyuhu Qoraalkiisa, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa intaa raaciyey “Waxaanu leenahay Ramadaan Kariim Eebena ha ku guuleeyo ummada Somaliland himiladooda iyo dhawaan inay helaan ictiraaf dhawaan kana mid noqdaan bulshada Caalamka ay Xaqa u leeyihiin ka mid noqoshadooda”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this