Sign in to follow this  
Deeq A.

Cosoble oo meesha ka saaray kala jiidashada Xasan iyo Deni, dirayna farriin culus

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad-goboleedka HirShabelle, Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa qoraal uu soo saaray ku diray farriin culus oo ku saabsan dagaalka ka dhanka ah kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Dagaalkan oo ay hoggaaminayaan madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayuu Cosoble ku baaqay in aan la siyaasadeyn, isla markaana laga fogaado kala-qeybsanaan.

Sidoo kale, wuxuu codsaday in labada madaxweyne ee dadaalka adag bixinaya lagu garab istaago howlgalka socda, si si mideysan looga hortago kooxaha argagixisada ah oo fursad ka raadinaya kala qeybsanaanta bulshada.

Madaxweynihii hore ee HirShabelle ayaa farriin gaar ah u diray madaxda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa dowlad-goboleedyada, isagoo ugu baaqay inay ku daydaan madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynaha Puntland.

Wuxuu intaas ku daray in xilligan aan loo baahneyn kala saarka mucaarad iyo muxaafad, maadaama uu dalku ku jiro marxalad dagaal oo u baahan midnimo qaran.

“Sida Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Saciid Deni tootaha u gashteen una aadeen furimaha dagaalka, waa in ay saddexda kale iyaguna u aadaan. Waa in la midoobaa oo si wadajir ah loo galaa dagaalka; mucaarad iyo muxaafidba waa waajib saaran,” ayuu yiri Cali Cosoble.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa haatan ku sugan furinta hore ee dagaalka ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay Al-Shabaab dib uga qabsadeen deegaanno horay looga saaray.

Dhanka kale, xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in madaxweynuhu ku hamminayo in kooxda Al-Shabaab laga saaro Shabeellaha Dhexe kahor ciidda, maadaama ay culeys badan kusoo kordhisay gobolkaas iyo deegaanno u dhow caasimadda.

Degmada Aadan-Yabaal oo hadda ah difaaca ugu dambeeya ee ciidamada dowladda, waxaa haatan gaaray gurmad culus oo ka yimid Hiiraan, kuwaasoo lagu xoojinayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana la qorsheynayaa in toddobaadkan uu dagaalku dardar yeesho.

Dagaallada u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo kooxaha argagixisada ah ayaa sii xoogeysanaya maalin kasta. Al-Shabaab waxay wadaan weerarro is-daba-joog ah, halka dowladda ay ka go’an tahay inay kooxdaasi ku soo afjarto waqti kooban gudaheed.

Xukuumadda Ra’iisul Wasaaraha, Xamsa Cabdi Barre, ayaa iyaduna dhankeeda ku dhawaaqday go’aan culus, iyadoo la qorsheynayo inay u guurto furimaha dagaalka, sida lagu shaaciyay shir degdeg ah oo shalay ay isugu yimaadeen xubnaha Golaha Wasiirrada Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this