Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xasan Sheekh oo gaaray CADALE iyo abaabul xooggan oo socda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray degmada Cadale ee dowlad-goboleedka Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa waxaa halkaas si diiran uguu soo dhaweeyey Madaxweynaha dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Cali Cabdullahi Xuseen, masuuliyiin heer Federaal iyo heer-dowlad goboleed ah, saraakiil iyo taliyeyaal ciidan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u kuur galaya furimaha dagaalka iyo saldhigyada hoggaaminta howlgalka xoreynta dalka, isagoo halkaasi ka hagi doona howlgalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa jiidda hore kulammo kula qaadanaya halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida, Madaxda iyo bulshada deegaanka, si loo sii amba-qaado guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray dagaalka argagixisada.

Madaxweynaha ayaa bulshada ku dhaqan deegaannada Hirshabeelle ku bogaadiyey garab istaagga ay u muujiyeen ciidamada qaranka, isagoo xusay awoodda ay maanta u leeyihiin dhammeystirka howlgalka xoreynta deegaannada ay ku harsan yihiin argagixisada iyo dib u hagaajinta deegaannada laga xoreeyey cadowga oo ay ka jirtay nolol iyo duruufo adag.

Diyaaradaha ay dhawaan soo iibsatay dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyb qaadanaya howlgalada dhanka saadka iyo taakuuleynta ciidanka.

Tagitaanka madaxweynaha ee degmada Cadale ayaa imaanaya, xilli uu xalay deegaanka Sumadaale ka dhacay howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidanka sida gaarka u tababaran ee dowladda.

Ciidankan oo adeegsanayay diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa waxsy ugu daateen goobo argagixisada ku shireysay, iyadoo howl-galkan ka qeyb qaadanayeen saaxiibada caalamka oo ciidanka dhanka hawada ka taageerayay.

480973120_1105048428332962_2313327391858

480970922_1105048464999625_1623803335747

484855659_1105048524999619_5218824525015

485388147_1105048628332942_5023315442348

484844308_1105048501666288_6367227261873

484846991_1105048591666279_7813214776490

484826726_1105048708332934_5059281562554

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this