Sign in to follow this  
General Duke

UK opposes Xasan Dahir joining Government...

Recommended Posts

Dowlada Ingiriiska oo ku baaqday in DFKMG Somaliya lasiiyo taageero Militari

Last Updated::2006-07-27 18:26:14

 

London:- Dowlada Ingiriiska ayaa markii ugu horeysay ku baaqday in taageero militari la siiyo Dowlada Federaalka.

 

Agaasimaha wasaaradda arrimaha dibadda Britain u qaabilsan arrimaha Africa, Mr.David Triesman ayaa sheegay in dowlada Federaalka laga difaaci doono wixii khatar ah oo kusoo fool leh.

 

Mr.Triesman Ayaa sheegay in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay tahay dowlada sharciga ah ee dalka Soomaaliya, isla markaana aan loo dul qaadan doonin wixii khal khal ku keenaya ama raba in ay burburiso.

 

Wuxuu intaasi raaciyey Mr.TriesMan oo maanta Saxaafada kula hadlay magaalada London, in dowlada Federaalka lagu taageero hab milatari in ay iska difaacdo cidii soo weerara.

 

David Triesman ayaa intaasi raaciyey in Asxaabta Beesha Caalamka ee Dowlada Federaalka Soomaaliya, aysan gacmaha ka laaban taageerida milatari ee dowlada fadhigeedu yahay Baydhabo.

 

Dowlada Ingiriiska ayaa intaasi raacisay in ay sii wadi doonto taageerida Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo sidii ay u hawl geli lahayd.

 

Dowlada Ingiriiska ayaa kamid ah dowlada sida weyn u taageera DFKMG ee Soomaaliya, waxayna dowladaasi ahayd midii Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay hordhigtay codsigii ahaa in cunaqabateynta hubka laga qaado dowlada Federaalka si ay u qalabeyso ciidamadeeda.

 

War isla maanta kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibada ee dalka Talyaaniga ayaa lagu baaqay in dowlada Federaalka la taageero, lana soo celiyo Wadaxaajoodkii dhexmarayey Maxkamadaha Islaamiga iyo DFKMG.

 

Cumar Siciid

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this