Sign in to follow this  
Deeq A.

Sababta aysan Somaliland ugu dhiiran karin yabooha aqoonsi ee Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Iyadoo dalalka Carabta ay diideen qorshaha Donald Trump ee Gaza ayaa hadda Maraykanka iyo Israel waxay isha ku hayaan Geeska Afrika, gaar ahaan maamulka Somaliland iyo Soomaaliya inteeda kale, oo ah goob ay u arkaan inay suurtagal tahay in lagu dajiyo dadka reer Falastiin ee Gaza.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maraykanka iyo Israel ayaa xaqiijiyey in wadahadallo qarsoodi ah lala yeeshay dowladda Soomaaliya iyo Somaliland oo ah laba dhinac oo aad isu khilaafsan. Washington ayaa doonaysa inay khilaafkan ka faa’iideysato, si ay u hirgeliso qorshaheeda cusub.

Somaliland oo muddo dheer ahayd gobol xasiloon oo ka tirsan Soomaaliya, balse mar walba dadaal ugu jirtay inay dunidu u aqoonsato dal madax-bannaan, ayaa sanadkii 2022 u soo bandhigtay Maraykanka inay siiso marin muhiim ah oo ay ciidamada Maraykanka adeegsan karaan, iyadoo beddelkeedana ku dalbatay tallaabooyin dhanka aqoonsiga madaxbannaanideeda.

Qorshaha cusub ee Trump ayaa dhigaya in 2.3 milyan oo Falastiiniyiin ah laga raro Gaza, halkaas oo uu Maraykanku maamulkiisa la wareegayo, kadibna loogu beddelo mashruuc weyn oo ganacsi oo lagu magacaabay ‘Middle East Riviera’.

Hoggaanka Israel, gaar ahaan xubnaha ka tirsan kooxaha xagjirka ah, ayaa muddo dheer ka fikiri jiray in Falastiiniyiinta xoog looga raro dhulkooda. Waxayna hadda qorshaha Trump u arkaan waddo sahlan oo lagu gaaro yoolkooda.

Xirmo lacag, diblomaasiyad iyo amni ah

Israel iyo Maraykanku waxay diyaarinayaan xirmo lacageed, diblomaasiyadeed iyo amni, si ay Somaliland iyo wadamo kale ugu qanciyaan qorshahan. Si kastaba, taageerada Falastiin ayaa sii xoogaysatay kadib dagaalka Israel ay ku qaaday Gaza, gaar ahaan wadamada leh waayo-aragnimada gumaysiga sida kuwa Afrika.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland Cabdiraxmaan Daahir Aadan ayaa sheegay in Somaliland aysan albaabka ka xireyn suurta-galnimada ah in ay qaabisho dadka reer Gaza, waxaa sidaas warbaahinta KAN ee Israel u sheegay 

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland ayaa qoraal uu u diray KAN ku yiri: “Waxaan diyaar u nahay wada-hadal kasta, balse ma dooneyno in aan ka hadalno arrimo aan weli laga wada hadlin. Dal kasta oo danaynaya in uu arrimo gaar ah nala gorfeeyo waa in uu marka hore la sameeyo xiriir rasmi ah oo uu xafiis diblomaasiyadeed ka furto Somaliland.”

“Arrinta ugu muhiimsan ee noo taalla waa in nala aqoonsado kaddib markaan adduunka tusno in aan nahay dal nabadda jecel, dimoqraadiyaddana ku dhaqma, islamarkaana xor ahaa muddo 33 sano ah.”

“Suurta-galnimada hirgelinta qorshahan waa mid shaki badan ku jiro,” ayuu yiri Moustafa Ahmad oo ah cilmi-baare Geeska Afrika jooga. Wuxuu sheegay in hoggaanka Somaliland laga yaabo inay u qiimeeyaan qorshahan si waaqici ah, balse taageerada shacabka u hayo Falastiin ayaa sii adkaynaysa inuu meel maro.

“Xitaa saaxiibbada ugu dhow Maraykanka, sida Masar, Jordan, iyo Sucuudiga ayaa diiday qorshayaal noocan ah,” ayuu raaciyay Moustafa.

Dhinaca kale, Imaaraadka Carabta ayaa door muhiim ah ka ciyaari kara wadaxaajoodyada, iyadoo muddo dheer taageero u fidinaysay rabitaanka Somaliland ee aqoonsi caalami ah, islamarkaana xiriir fiican la leh Israel.

Si kastaba, Imaaraadka ayaa taageeray qorshaha Masar ee dib-u-dhiska Gaza, kaas oo gabi ahaanba ka soo horjeeda qorshaha Trump ee ku saabsan rarista dadka Falastiin.

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa beeniyay wararka sheegaya in wadahadallo rasmi ah socdaan, wuxuuna sheegay in dowladdiisu kaliya qiimeyn doonto haddii Maraykanku si rasmi ah usoo bandhigo qorshaha.

Dhinaca Soomaaliya inteeda kale

Dhinaca kale, Soomaaliya ayaa wajahaysa xiisad siyaasadeed oo gudaha ah. Magaalada Muqdisho ayaa wajahaysa khilaaf dastuuriga ah kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu soo jeediyay wax-ka-beddel dastuurka dalka, taas oo keentay in Puntland ay la noqoto aqoonsiga dowladda federaalka ah, iyada oo ku dhawaaqday madaxbannaani aan rasmi ahayn.

Go’aanka Puntland wuxuu sii kordhiyay kala-qaybsanaanta Soomaaliya. Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa ka faa’iideystay fursaddan waxayna kordhiyeen weerarrada dhiigga badan leh, sida weerarkii dhawaan ka dhacay hotel ku yaalla Beledweyne.

Amniga Soomaaliya ayaa sii xumaaday iyadoo Maraykanku uu hakiyay taageeradii uu siin jiray dowladda dhexe. Waxaa sii kordhaya baaqyada Madaxweyne Xasan Sheekh loogu baaqayo inuu xilka ka dego.

Iyadoo Maraykanku uu leeyahay awood siyaasadeed oo muuqata, ayaa haddana dowladda Soomaaliya waxay caddeysay mowqifkeeda ah in aysan marna oggolaan doonin qorshe ku saabsan raritaanka dadka Falastiin.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaan xaqiijin ama beenin xiriirka Maraykanka iyo Israel, balse wuxuu caddeeyay mowqifka dowladda ee ah inaysan Soomaaliya marnaba oggolaan doonin in dhulkeeda loo isticmaalo raritaanka dad kale ama lagu wiiqo madax-bannaanida Falastiin.

Muqdisho oo taageero xooggan u muujisay Falastiin ayaa taageertay go’aankii Jaamacadda Carabta ee lagu diiday qorshaha Trump. Sanadihii u dambeeyay Soomaaliya waxay xoojisay xiriirkeeda diblomaasiyadeed ee ay la leedahay dalalka Carabta iyo Turkiga.

“Kooxaha xagjirka ah ee Soomaaliya ayaa mar walba isticmaalay arrinta Falastiin si ay u xoojiyaan mowqifkooda, iyagoo ka dhigaya arrin xiriir la leh midnimada Islaamka,” ayuu yiri cilmi-baare Moustafa Ahmad.

Iyadoo qaybo badan oo Soomaaliya ka tirsan ay gacanta ugu jirto Al-Shabaab, taageerada shacabka Soomaaliyeed u hayo Falastiin-na ay aad u xoog badan tahay, dowladda Soomaaliya uma muuqato inay halis galin doonto xasilloonida yar ee ka hartay dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this