Sign in to follow this  
Deeq A.

Ballan-qaadyadii ay Xukuumadda Wadajir Iyo Waxqabad ay la gashay ummadda Somaliland ay ka mid ahaayeenโ€ฆ.

Recommended Posts

Deeq A.   

img_14_1742386920541.jpg

img_13_1742386905142.jpg

img_12_1742386887818.jpg

img_11_1742386872767.jpg

img_10_1742386858036.jpg

img_15_1742386936154.jpg

img_9_1742386837273.jpg

img_8_1742386821177.jpg

img_7_1742386806226.jpg

img_6_1742386805467.jpg

img_4_1742386768888.jpg

img_3_1742386753574.jpg

img_2_1742386728481.jpg

img_1_1742386709159.jpg

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa waxa uu maanta ka qayb galay Munaasibadda Daahfurka Diiwaangelinta Casriga ah ee Ciidamada kala duwan ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo lagu qabtay Hoolka Weyn ee Ciidanka Booliska.

Waxa xusid mudan in Ballan-qaadyadii ay Xukuumadda Cusub ee Wadajir iyo Waxqabad ay la gashay ummadda Somaliland ay ka mid ahaayeen Diwaangelinta, Tayaynta, Casriyeynta iyo Xaq-siinta qaybaha kala duwan ee Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Munaasibadda ka jeediyey hadal aad u qiimo badan waxa uu sheegay in ay isaga farxad gaar ah iyo dareen masuuliyadeed u tahay in uu ku dhawaaqo bilowga Diwaangelinta Casriga ah ee Taariikhiga ah ee Ciidamada kala duwan ee JSL (๐๐ข๐จ๐ฆ๐ž๐ญ๐ซ๐ข๐œ ๐‘๐ž๐ ๐ข๐ฌ๐ญ๐ซ๐š๐ญ๐ข๐จ๐ง) taas oo ah tallaabada koowaad ee hirgelinta dib-u-habaynta iyo Casriyeynta dhammaan Ciidamada kala duwan ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Sida oo kale, Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi waxa uu sheegay in Ciidamada kala duwan Qaranku ay yihiin Haybadda iyo Udub dhexaadka Amniga iyo Xasiloonida Qaranka JSL iyo gaashaanka ilaaliya Qarannimadeenna, Difaaca Xuduudaheenna iyo xaqiijinta bad-baadada muwaadiniinta reer Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu xusay in Ciidamada Qaranku ay yihiin Hayyโ€™ad Dastuuri ah oo u igman difaaca madax bannaanida dalka, xagga Dhulka, Badda iyo Cirka iyo guud ahaanba ilaalinta danaha Qaranka JSL.

Munaasibadda Daahfurka Diiwaangelinta Casriga ah ee Ciidamada kala duwan ee Qaranka waxa Madaxweynaha ku wehelinayey Guddida Wasiirada ah iyo La-taliyeyaasha Madaxweynaha ee uu Madaxweynuhu u xilsaaray Diwaangelinta iyo Casriyeynta qaybaha kala duwan ee Ciidamada Qaranka.

Sida oo kale waxa iyaguna Munaasibadda ka qayb galay Taliyeyaasha Ciidamada kala duwan ee Qaranka iyo Xubnaha Guddida Farsamo ee fulinaya Diiwaangelinta Casriga ah ee Ciidamada Qalabka sida.

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡,
๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ)
๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this