Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu ka dhigan yahay shirqoolkii Al-Shabaab?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa hubanti ah in Al-Shabaab looga adkaaday dagaalkii fool ka foolka ahaa, waxaana hadda soo foodsaartay cabsi xoog leh. Ifafaalaha wejiga labaad ee dagaalka iyo jabkii ay kala kulmeen soo rogaal-celintii Shabeellaha Dhexe ayaa ina tusaya in Al-Shabaab ku fashilmeen dagaalkii fool ka foolka ahaa. Tani waa sababta keentay weerarkii iyo shirqoolkii la soo maleegay ee shalay lagu qaaday gaadiidkii galbinayay Madaxweyne Xasan, oo ay Al-Shabaab u arkayeen wedkooda.

Kooxaha siyaasiyiinta ah, dalalka deriska, iyo qaar badan oo Carab iyo Reer Galbeed ah ayaa ka soo horjeeda in Al-Shabaab laga guuleysto oo laga sifeeyo geyiga Soomaaliyeed. Al-Shabaabkii qarsoonaa maalmo dhaw waa bannaanka imaan doonaan; hadda waxaa socda dad is qariya, waxaase iman doonta maalin aan arki doonno rag leh “Al-Shabaab maxaa laga rabaa?” oo u doodaya, iyo dowlado hore u hubayn jiray oo toos ula safanaya. Shirqoolka shalay waa fashilmay, madaxweynihiina waa badbaaday, kooxihii magaca mucaaradka ku dhuuman jirayna waa soo if-baxayaan.

Hannaanka dagaalka toddobaadyada soo socda guud ahaan Galmudug iyo Hirshabeelle, Al-Shabaab waa laga sifeyn doonaa. Sidoo kale, dagaalku wuxuu noqon doonaa mid ciribtir ah, kaasoo laysku arki doono kaymaha Jubbooyinka.

Marka dagaalka Al-Shabaab laga soo jeesto, waxaa dalka ka dhici doona tirakoob iyo diiwaangelin dadweyne. Maamulkii diidaana waxba kuma yeelan doono dowladda cusub ee beddelaysa dowladda hadda jirta. In dowladda cusub ku timaado qof iyo cod waa bilowga wejiga labaad ee Soomaaliyada cusub, waayo waxaa la rabaa in maalgashiga dalka ay saxiixdo dowlad ay dadweynuhu doorteen, sidoo kale khayraadka dalka waxaa soo saari karta dowlad dadku soo doortay.

Arrimahani waa kuwa Mareykanka ka cadheysiiyay iyo Reer Galbeedka, oo uga cabsi qaba in Turkiga, Ruushka, iyo Shiinaha ay Soomaaliyada cusub saamayn ku yeeshaan. Dalka Imaaraatka, oo dakhliga ugu weyn ka helo dekaddaha iyo dalxiiska, wuxuu ka baqayaa in Soomaaliya cagihiisa isku taago, adduunkuna u soo dalxiis tago, dekaddahaheeduna noqdaan kuwo isku xidha Afrika, Aasiya, iyo adduunka kale.

Soomaaliya waxa loo dibindaabyeynayaa waa in lagu dul noolaado, si aysan fursadaha u bannaan uga faa’iideysan. Dalalka doonaya dhibkeeda waxay dhiirrigeliyaan Al-Shabaab iyo maamullada shisheeyaha ku daaban, sidoo kale siyaasiyiinta xil-doonka balse rajo xun. Nin diidan in talada dadka loo celiyo, dadweynuhuna ay doortaan xildhibaanka, golaha deegaanka, iyo madaxweynaha, dastuurkana la dhammeystiro, wuxuu rabaa inuu ina dhaho “Dan shacab baan wadaa.”

Dagaalka iyo shirqoolka la hurinayo waxaa laga baqayaa in shacabku is-abaabulo, waana sababta dacaayadaha baraha bulshada loo wareejinayo. Dadweynuhu maaha kuwii shalay, wayna og yihiin dantooda, nin u daran iyo mid la duubanba.

W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this