Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Arrimaha Mareykanka ay ka caroodeen ee keenay xil ka qaadista wasiir Jaamac

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday Wasiirkii Gaashaandhigga, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Axaddii, kadib cadaadis xooggan oo uga yimid ciidamada Maraykanka, sida ay ilo xog-ogaal ah u sheegeen Middle East Eye.

Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa loo wareejiyay Wasaaradda Dekedaha, iyadoo ay jiraan calaamado muujinaya in taageeradii militari ee Maraykanka uu siinayay Soomaaliya ay hoos u dhacday.

Laba ilo wareed ayaa sheegay in dadaalladii Wasiir Cabdulqaadir uu ku doonayay inuu xoojiyo iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga ee dhinacyada difaaca, tamarta, iyo hawada sare ay ka careysiisay Washington, taas oo xiriir dhow la leh Imaaraadka Carabta ee Geeska Afrika.

Intii uu wasiirka ahaa Cabdulqaadir, Soomaaliya iyo Turkigu waxay February 2024 kala saxiixdeen heshiis ballaaran oo dhinacyada ciidamada badda, ganacsiga iyo difaaca ah.

Faahfaahinta heshiiskan lama shaacin si buuxda, laakiin waxaa ku jiray samaynta ciidanka badda Soomaaliya iyo sahanka kheyraadka tamarta, taas oo qayb ka ahayd jawaab-celin laga bixiyay heshiiska Itoobiya ay la gashay maamulka Somaliland.

Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo ka qalin-jabiyay Jaamacadda Ankara isla markaana xiriir dhow la yeeshay madaxda Turkiga, ayaa la sheegay inuu ka xanaajiyay Maraykanka.

Cadaadis ka yimid Maraykanka

Mas’uul Soomaali ah ayaa u sheegay Middle East Eye in saraakiisha Maraykanku ay si joogto ah Madaxweyne Xasan Sheekh ugu cadaadinayeen inuu xilka ka qaado Nuur, iyagoo ku eedeeyay inuu iskaashi ku filan la samayn waayay ciidamada Maraykanka.

“Sidoo kale waxay codsadeen inay helaan nuqul ka mid ah heshiiskii la saxiixay February,” ayuu yiri mas’uulkaasi, isagoo intaa ku daray, “Waxay ka walwalsanaayeen qorshayaasha la xiriira in Turkigu Soomaaliya ka hirgeliyo saldhig hawada sare oo laga yaabo inay ku jiraan tijaabooyin gantaallo riddadoodu dheer tahay.”

Waxaa kale oo Maraykanka ka careysiiyay heshiisyada Turkigu kula galay Soomaaliya ee la xiriira sahminta shidaalka iyo gaaska.

Labada ilo ayaa sheegay in tallaabadii ugu dambeysay ee sii xumeysay xaaladda ay ahayd markii Turkigu Talaadadii hore Muqdisho keenay laba diyaaradood oo dagaal oo nooca Bayraktar Akinci ah, si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Maraykanku waxay si cad u sheegeen in aysan aqbali doonin arrintan, taas ayaana sababtay go’aanka ugu dambeeyay ee xilka looga qaaday wasiir Nuur,” ayuu yiri mid ka mid ah ilaha.

Horraantii February, safaaradda Maraykanka ayaa ka digtay weerarro Al-Shabaab qorsheynaysay inay ku qaaddo garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo meelo kale oo muhiim ah, taas oo sababtay in shirkadaha diyaaradaha Qatar Airways iyo Turkish Airlines ay baajiyaan duulimaadyo badan.

Dhanka kale, bishii February, madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa amray duqeymo lala beegsaday hoggaanka kooxda Daacish ee Soomaaliya.

Maraykanku wuxuu sidoo kale bishii March joojiyay dhaqaalihii uu siin jiray ciidamada Danab, oo ah cutub ciidan oo heer sare ah oo uu tababaro Taliska Maraykanka ee AFRICOM.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa sheegay in hadda ay lagama maarmaan tahay in dowladda Soomaaliya ay raadsato ilo dhaqaale oo kale oo lagu bixiyo mushaaraadka ciidamada Danab.

Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga

Mas’uul ka tirsan dowladda Turkiga ayaa hoos u dhigay saameynta xilka qaadista Cabdulqaadir ay ku yeelan karto xiriirka Ankara iyo Muqdisho, isagoo ku adkeystay in xiriirkoodu ku saleysan yahay iskaashi hay’adeed, oo aysan saameyn ku yeelan doonin isbeddelka shakhsiyaadka.

“Tani waxba kama beddeleyso xiriirkayaga. Heshiisyada Muqdisho lala galay waxay ku saleysan yihiin iskaashi hay’adeed,” ayuu yiri sarkaalka Turkiga.

Tunc Demirtas, oo ah khabiir ka tirsan machadka SETA ee Ankara, ayaa sheegay in Turkigu sii wadi doono taageerada Soomaaliya, isaga oo hoosta ka xarriiqay in muhiimaddu ay noqon doonto xoojinta iskaashiga istaraatiijiga ah ee labada dal, iyadoo laga duulayo danaha labada dhinac.

Middle East Eye ayaa ka codsatay dowladda Maraykanka inay arrintan ka jawaabto, balse weli kama hadal.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this