Sign in to follow this  
Deeq A.

Shabaab oo afduubay 2 nin, kadibna ku fuliyey dil + Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay inay Isniintii meel fagaare ah ku dhagax-dileen nin, mid kalena ay toogteen, kaddib markii labadoodaba, sida ay sheegeen lagu helay dambiga ah inay kufsi kula kaceen gabar ku sugneyd bartamaha Soomaaliya.

Afhayeen ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa sheegay in labadan nin lagu soo qabtay magaalada Beledweyne, halkaas oo falku ka dhacay. Afhayeenka ayaa sheegay in raggan ay hore uga tirsanaayeen ciidamada taageersan dowladda Soomaaliya ee Macawiisleyda, balse dowladda ayaa arrintaas beenisay, iyada oo ku tilmaantay inay ahaayeen “burcad hubeysan.”

Axmed Ibraahim oo 29 jir ah iyo Yuusuf Cali Baajin oo 22 jir ah ayaa maxkamad ay Al-Shabaab qabatay ka hor qirtay dambiga lagu soo oogay ee kufsiga ah, sida uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay Sheekh Guuleed Abuu Nabhaan oo ah guddoomiyaha Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in maxkamaddu amartay in midkood lagu dilo dhagax-tuur, kan kalena toogasho lagu fuliyo.

Sheekh Guuleed ayaa sidoo kale sheegay in Axmed Ibraahim uu ahaa dagaalyahan maleeshiyo-beeleed ah, halka Yuusuf Cali Baajin uu ahaa askari ka tirsan ciidamada dowladda. Macluumaadkan si madax-bannaan looma xaqiijin karin.

Si kastaba ha ahaatee, taliye sare oo ka tirsan booliska magaalada Beledweyne, Cabdilqaadir Faarax, ayaa sheegay in labada nin aysan wax xiriir ah la lahayn ciidamada dowladda, balse ay ahaayeen burcad hubeysan.

“Labada nin ee ay Al-Shabaab dishay waxay ahaayeen burcad hubeysan oo hore u dilay nin, xaaskiisana kufsaday,” ayuu yiri taliye Faarax, oo la hadlay wakaaladda Reuters. “Wax xiriir ah ciidanka dowladda lama lahayn, waxay ahaayeen kooxo dadka safarka ah ku dhaca agagaarka Beledweyne.”

Kooxda Al-Shabaab ayaa si joogto ah u fulisa dilal, karbaashyo, iyo jaridda gacmaha dadka ay ku helaan dambiyada sida tuugnimada, kufsiga, basaaska, iyo sinada, iyadoo mararka qaar xukunnada noocan ah ay sidoo kale ku bartilmaameedsadaan haween iyo carruur.

Hase yeeshee, nidaamka cadaaladda ee kooxdan ayaa mararka qaar su’aalo badan la geliyaa , ayada oo inta abdan eedeysanayaasha aysan helin matalaad sharci ah, sidoo kalena lagu qasbo qirasho dambi, si xukunka loogu fuliyo.

Al-Shabaab, oo xiriir toos ah la leh ururka Al-Qaacida, ayaa muddo dheer dagaal kula jirtay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee taageera, iyadoo ujeedkeedu yahay inay Soomaaliya ku maamusho shareecada Islaamka, gaar ahaan sida ay iyagu u fasirtaan.

Inkastoo Al-Shabaab laga saaray magaalooyinka waaweyn badankood, iyadoo ciidamada Midowga Afrika iyo maleeshiyo-beeleedyada deegaanka ay fuliyeen hawlgallo ka dhan ah kooxda, haddana waxay weli gacanta ku hayaan deegaanno badan oo ka tirsan miyiga bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this