Sign in to follow this  
Deeq A.

Israa’iil oo duqeymihii ugu cuslaa ka wada Qasa

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka Israa’iil ayaa dib u billaabay duqeymihii marinka Qasa, ayagoo sheegay in ururka Xamaas uu diiday in la ballaariyo heshiiska xabbad-joojinta, wuxuuna xaafiiska Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ku dhawaaqay in duullaankii Qasa uu dib u billowday.

  1. Duqeymaha saacadihii ka soo dhaafay si xoog leh uga socday waqooyiga iyo bartamaha Qasa ayay wararku sheegayaan inay sababeen dhimashada in ka badan 130 qof oo rayid ah, halka dhaawacyaduna ay 200 ku dhowyihiin.

Ururka Xamaas ayaa dhexdhaxaadiyaasha iyo dalalka Islaamka ugu baaqay inay xaaladda soo fara-geliyaan, balse ma jirto dowladda ilaa haatan arrintaas war ka soo saartay.

 

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this