Sign in to follow this  
Deeq A.

Dadka ku dhintay duqeymaha Israa’iil ay saaka ka fulisay Qasa oo 356 qof

Recommended Posts

Deeq A.   

Khasaaraha dhimashada duqeymaha Israa’iil ay xalay dib uga billowday marinka Qasa ayaa sii kordhaya, waxayna wararkii ugu dambeeyay xaqiijiyeen in geeridu ay hadda kor u dhaaftay 356 qof, halka dhaawacyaduna ay intaas ka sii badanyihiin.

Dadkan intooda badan waxaa lagu diley waqooyiga marinka Qasa oo ah goobaha ugu badan ee duqeymaha lagu ekeeyay, waxaana hawada Qasa oo dhan dulmara diyaaradaha militariga Israa’iil oo duqeymo joogto ah wada.

Weerarradan cirka ah oo kamid ah kuwii ugu khasaaraha badnaa taniyo sanadkii 2023 ayaa yimid saacado ka dib markii Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu ku dhawaaqay inay dib u billaabeen duullaankii Qasa, ayagoo ku andacoonaya in Xamaas ay diiday sii ballaarinta heshiiska xabbad-joojinta ah.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this