Sign in to follow this  
Deeq A.

Mid kamid ah Maxaabiistii kooxda Daacish oo ku geeriyooday Xabsiga boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ayaa sheegay in Cabdiraxmaan Shirwac Laahoor oo horay uga tirsanaa kooxda Daacish, balse dhowaan isku soo dhiibay Ciidanka Puntland uu xabsiga ku geeriyoodey.

ninkan geeridiisa weli faahfaahin lagama hayo, balse mas’uuliyiinta gobolka bari ayaa xaqiijiyay in meydkiisa laga helay qofkii uu uga xirnaa xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso.

Cabdiraxmaan Shirwac Laahoor oo kamid ahaa madaxda kooxda Daacish, gaar ahaan qeybta qoraxyada ayaa todobaadyo ka hor isku soo dhiibay Ciidanka Puntland ee ka dagaalamaya buuraleyda gobolka.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this