Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Turkiga oo maanta Soomaaliya keenay diyaarado dagaal oo casri ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya tallaabo cusub oo dowladda Turkiga ay qaaday si ay u xoojiso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Soomaaliya, iyadoo taageero dhinaca cirka ah siinaysa ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Dowladda Turkiga ayaa maanta magaalada Muqdisho kasoo dejisay diyaarado dagaal oo casri ah oo aan duuliye lahayn, gaar ahaan kuwa loo yaqaan Akıncı, sida laga xaqiijiyay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Diyaaradahan dagaalka oo maanta Muqdisho soo gaaray ayaa la sheegay inay yihiin kuwa casri ah oo aan duuliye lahayn (drones), gaar ahaan nooca Akınci, waxaana Turkigu u qorsheeyay inay si buuxda qeyb uga noqdaan hawlgallada ciidamada Soomaaliya ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab.

Ujeedada diyaaradaha cusub ayaa lagu sheegay in lagu taageero ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, iyadoo Turkiga uu yahay dalka koowaad ee Soomaaliya ka caawiya tayaynta ciidamada qalabka sida iyo hawlgalladooda amni.

Wararka ay heshay Caasimada Online ayaa intaas ku daraya in diyaaradahan cusub ee Akınci ay yihiin kuwa awood sare leh oo qaadi kara hubka culus iyo gantaallada ridada dheer leh sida SOM cruise missiles, Gökdoğan iyo Bozok, iyo sidoo kale bambooyinka nooca MK-82.

Turkiga ayaa tallaabadan uga gol leh inuu xoojiyo awoodda ciidamada Soomaaliya, isagoo sii ballaarinaya taageeradiisa hawlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, taasoo muddooyinkii dambe kordhisay weerarada iyo dhaqdhaqaaqyada ka dhacayey deegaannada ku dhow caasimadda.

Diyaaradahan ayaa noqon doona kuwii ugu horreeyay noocooda oo si rasmi ah uga hawlgala Soomaaliya, iyadoo markii hore ciidamada Soomaaliya ay adeegsanayeen diyaaradaha kale ee Turkiga sida nooca Bayraktar TB2 oo muddooyinkii dambe si weyn looga adeegsanayay hawlgallada gudaha dalka.

Dhinaca kale, dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muujisay inay si weyn ugu tiirsan tahay taageerada dowladda Turkiga oo ah saaxiib muhiim ah oo tababaro iyo qalab militari siiya ciidamada Soomaaliya, iyadoo sidoo kale haatan ay sii kordhayso kaalinta Mareykanka iyo Itoobiya ee dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Toddobaadkii lasoo dhaafay, diyaaradaha dagaalka ayaa duqeymo ka geystay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, halkaas oo ah xarunta ugu weyn ee kooxda Al-Shabaab.

Tallaabadan cusub ayaa kusoo aadaysa xilli kooxda Al-Shabaab ay sii kordhisay dhaq-dhaqaaqyadeeda ku aaddan caasimadda iyo deegaanno ku dhow sida Ceelasha Biyaha iyo waddada xiriirisa Muqdisho iyo degmada Balcad, taasoo kordhisay dareenka amni ee magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this