Deeq A. Posted 8 hours ago Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal maanta ka dhacay degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho. Dagaalka ayaa la sheegay inuu dhexmaray ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya, gaar ahaan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir. Iska hor-imaadka ayaa dhexmaray ciidamo ka kala tirsan qeybaha ammaanka, gaar ahaan ciidamada booliska iyo kuwa Nabad Sugidda (NISA), wuxuuna dagaalku si gaar ah uga dhacay xaafadda Sanca ee degmada Yaaqshiid, sida ay dadka deegaanka xaqiijiyeen. Ugu yaraan saddex qof ayaa ku geeriyooday dagaalka, oo laba kamid ah ay ahaayeen askar labada dhinac ka tirsan, halka qofka kalena uu ahaa shacab goobta ku sugnaa. Lama oga sababta rasmiga ah ee dhalisay isku-dhaca labada ciidan, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah, iyadoo maamulka degmada iyo saraakiisha ammaanku aysan wali arrintan ka hadlin. Xaaladda ayaa hadda deggan, waxaana dib u soo noqday dhaq-dhaqaaqii ganacsiga, dadka iyo gaadiidka ee xaafadda Sanca. Mararka qaar ayay ciidamada dowladda dhexdooda isku dhacaan gudaha caasimadda, taas oo sababta khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo gaara ciidanka iyo shacabka magaalada. Dhacdadan ayaa kusoo aadaysa xilli magaalada Muqdisho laga dareemayo xaalad ammaan oo feejignaan leh, kadib markii dagaalyahannada Al-Shabaab ay soo gaareen deegaanno u dhow caasimadda sida Ceelasha Biyaha, iyadoo sidoo kale xalay dhaq-dhaqaaqyadooda lagu arkay waddada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo degmada Balcad. Share this post Link to post Share on other sites