Dhubad. Posted April 1, 2007 Odaayaasha ****** ayaa sheegay in xiriir dhexmaray iyaga iyo dowladda Itoobiya ay soo saareen lix qodob oo xabad joojin hordhac ah. Lixdaas qodob oo u eg talo ayaa u qornaa sidaan:- • in Ciidamadda Itoobiyaanka ,kuwa dowladda KMG ah iyo kuwa ****** ay ka baxaan dhamaan degaanadii lagu dagaalamay afar saac marka la hergeliyo xabad joojinta. • In Mas'uuliyada dhismayaasha Wasaaradda Gaashandhiga ,kuliyadda Jaalle Siyaad,Istaadiyuum Muqdisho iyo Xarunta Xisbigga lagu wareejiyo odayaasha ****** marka Ciidamada iska soo horjeeda ka baxaan goobahaas. • In habka Nabad gelyada iyo wixii kale ee la xiriira dhismayaasha goobahaas loo gudbin doono Dowlada Itoobiya iyo dowladda KMG ah ee Soomaaliya labataan cesho gudahood.isla markaana waxay odayaasha ****** balanqaadayaan in goobahaas aysan ka abuurmin Qatar nabad gelyo,kana wajahin dhinacyadii ku dagaalamay. • In hogaanka Ciidamada Nabad ilaalinta ee AMISOM Marqaati ka noqdaan fulinta heshiiska la isla gaaro • Beesha ****** waxay dalbaneeysaa in todobaad gudahiisa laga wada hadlo dhibaatada ka dhalatay dagaalkii dhacay iyo daawooyintiisa. 6-Heshiiskaan ayaa waxaa uu dhaqan gelayaa marka la isla ogolaado. Waxaa aad u yar rajada laga qabo inuu hirgelo hindisahaan qabyada ah,waxayna odayaasha shir jaraa'id ku qabteen baarka walaalaha ee Ex Kontorool Balcad. Dagaalka Muqdisho wali waa uu ka soconayaa waxaana sii laba lixaadsaday gurxanka rasaasta oo saakay laga yara nastay Ahmed Jelle Hassan WaagacusubOnline@yahoo.com +2521-320000 Telcom Somalia Mogadishu - Somalia Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland oo Wareysi gaara siiyay Waagacusub Quote Share this post Link to post Share on other sites