Sign in to follow this  
Deeq A.

La-taliyaha madaxweynaha oo war kasoo saaray badqabka Xasan kadib qaraxii saaka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya, Xuseen Sheekh Cali, ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu badqabo kadib qarax maanta barqadii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ka dhacay isgoyska Ceel-gaabta, xilli uu magaalada Muqdisho ka ambabaxayay madaxweyne Xasan Sheekh, ayaan geysan wax khasaare ah, waxaana lagu soo warramayaa inuu ahaa miino lagu aasay dhinaca laamiga.

La-taliye Xuseen ayaa “been abuur la buunbuuniyay” ku tilmaamay wararka laga faafiyay qaraxan iyo dacaayadda laga sameeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda waa badqabaa, wuxuuna ku guda jiraa safarro uu ugu kuurgalayo hawlgallada barakaysan oo ay gobollada dalka ka wadaan Ciidamada Xoogga Dalka, iyagoo taageero buuxda ka helaya shacabka deegaanka,” ayuu yiri Xuseen Sheekh oo qoraal soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter).

Waxa uu intaas ku sii daray: “Naflacaarinimo iyo been la buunbuuniyo qarankan laguma cabsi gelin karo.”

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta u ambabaxay jiidaha hore ee dagaalka si uu garab-istaag ugu muujiyo geesiyaasha ciidamada qalabka sida iyo kuwa dadka deegaanka.

Inta uu madaxweynuhu ku sugan yahay furimaha dagaalka, waxa uu u kuurgeli doonaa xaaladda ciidamada, isagoo warbixino ka dhegeysan doona talisyada iyo hoggaamiyeyaasha horkacaya dagaalka.

Tegitaanka madaxweynaha ee furimaha dagaalka ayaa imaanaya xilli ay maalmihii dambe kooxda Al-Shabaab muujineysay inay duullaan tahay, isla markaana ay beddeshay taatikadeedii ahayd weerarada gaadmada ah iyo “ku dhufo ka dhaqaaqda.”

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this